crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kobci Garashadaada!! | HimiloNetwork

Kobci Garashadaada!!

Waa mar kale iyo Barnaamij aan ugu tala-galnay inaan ku kobcino garaadka bulshada iyo inaan ku hoga-tusaaleyno hadba dheelliga qofka bani’aadamka ku sugan innaga oo tusaalayaal iyo murtiyo waaya’aragaysan kusoo gudbin doonna. Hababa, xaq-dhowrka meertadan Kobci Maskaxdaada waxaan hadba in kasoo garoocanaynaa buugga Hano Noloshaada oo uu qoray Zakariya Hassan oo dhawaan suuqa-imaan doonaa.

1. Wax kasta oo aan garanayo waxaan gartay markaan 30-jir ahaa.

2. Sanaduhu waxay i bareen wax maalmuhu aysan waligood ogayn.

3. Da’da cuslaatay arrimaha way tix-geliyaan. Da’yarta fududna way horatibyeeyaan.

4. Kolkaan sii filwaynaadaba, wax dareen ah masiiyo wax dadku dhahaan. Kaliya waxaan daawadaa siday u dhaqmaan.

5. Gabownimadu ma ahan inta gu’yaal ee qof nool yahay. Waxaynu gabownaa kolka aan nabaad-guurino himiladeena nolosha. Sanaduhu laga yaabee inay miin u yeelaan gibilka. Hayeeshe, in laga quusto wax-galnimada howleed, Ruuxda ayay duqnimo u horseedaa.

Xigasho– Buugga Hano Noloshaada oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!