crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhibanad Face-book dartiis halis u gashay! | HimiloNetwork

Dhibanad Face-book dartiis halis u gashay!

qeybtii koobaad;
Muqdisho (Himilonews) – Ka digtoonaada qofka aad saaxiib uga dhiganaysaan codsiga uu kuusoo dhigo Facebook-giina. Tani waa waano kaaga imaanaysa 17—jirad Ada Nba Agbaazue, taas oo ka baxsatay jaceyl-ku-qaraabte ay Facebook-ga ku baratay kaas oo isku rogay inuu u dilo aargoosi dhaqameed kadib kol uu sareer kula lulmooday dhismo-dabaq qabyo ah oo ku yaalla gudaha Abule-Ajanloco, Lagos.
Agbaazue, taas oo kasoo dhacday dhismo dabaq dadaal ay ku rabtay inay kaga baxsato dilaaga, waxay joogadeenna jiiftaa Ilemba Ajangbadi Hospital gudaha Lagos halkaas oo laga kalkaalayo jajabyo dhowr ah iyo dhaawacyo.
Samata-baxeedu kama yara Lama-arkaan u eg indha-sarcaad. Xitaa iyada naftigeeda waxay ku tahay dhib inay sharaxdo sidii ay ku samata-baxday.
Ka falan-qeynta sariirteeda dusheeda ee isbitaalka sidii ay wax ugu dhaceen, Nba waxay sheegtay inuu ku bar-ballamiyay dhismo qabyo ah kaas oo ay ku baratay barta Facebook. “Inaan noolahay waa mucjiso. Eebe ayaana mahad iska leh. Wixii aan ku arkay qolkaas, dilaagaas wuxuu noqon karaa halaq-cune. Wuxuuse ii sheegay inuu yahay burcad-badeed,” ayay si murugaysan u tiri. Marka iyada loo eego, saaxiibka Facebook-ga ay ku aragtay ayaa isugu heyb-sheegay Micheal kaas oo ahaa beer-dulucsigeedii Facebook-ga ee dhismaha hadoodilan ku sugayay.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!