crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 104 jir sannadkan kamid noqotay Xujeyda! | HimiloNetwork

104 jir sannadkan kamid noqotay Xujeyda!

MUQDISHO (HN) — Haweeney 104 jir ah oo kasoo jeeda dalka Ciraaq ayaa Xajkii tagay ee sannadkan waxaa loo aqoonsaday xaajiga ugu da’da weyn ee kamid noqda xujeyda. Waxaana lagu magacaabaa Kazimiya Hatim.

33,000 oo xujey Ciraaqi ah ayay kamid ahayd haweeneydan, waxaana gegida caalamiga ah ee  Prince Mohammed bin Abdulaziz si diirran ugu soo dhaweeyey xujey iyo mas’uuliyiin. Waxaana loo arkay qof go’aan ku qaatay in marnaba uusan da’diisa ku cudurdaaran ama kaga baaqan si uu guriga Alle usoo booqdo.

Ali Abd Al-Rida Khazim oo ah wakiil Ciraaqi ah ayaa Kazimiya kasoo waday magaalada Madiina isaga oo usoo galbinaya Makka kaddib markii ay booqatay Qabriga Suubanaha NNKH. Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashadeeda iyo gudashada acmaasha xajka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!