MUQDISHO (HN) – Qeyb kamid ah Barnaamijka Qur’an aqriska Al-Azhar, ku dhawaad 6,251 oo arday ah kana kala yimid gobollada dalka Masar ayaa hal kalfadhi ku wada aqriyay Qur’anka oo dhan. Waana dhacdo ay soo agaasimaan macaahidda al-Azhar.
Ujeedka laga leeyahay Barnaamijkan ayaa ah in sare loo dhigo heerka aqooneed iyo si fiican u aqrinta Qur’anka kariimka ah, sida ay kusoo warrantay Iqna.
Kormeeraha guud ee barmaamijkan, Mohamed Al-Duwaini, ayaa sheegay in dhammaanba xafiisyada ay ku leeyihiin Masar lagu qabtay Qur’an aqriska.
Sheikh Ayman Abdelghani, oo madax ka ah isu-tagga macaahidda Al-Azhar ayaa sheegay in arday walba maalin oo dhan la siiyay inuu aqriyo hadba intii kaga fudud aqrinta Qur’anka oo uu korka ka yaqaanno.
Barnaamijkan oo helay baahin toos ah oo laga daawanayo fogaan-aragyada ayaa looga gol lahaa in ardayda kale lagu dhiirri-geliyo xifdinta Qur’anka.
Barnaamijka Quran Recitation Day waa madal ardayda Muslimiinta ah lagu baratansiiyo xifdinta Qur’anka kariimka ah.
You must log in to post a comment.