MUQDISHO (HN) — Aabbe labo carruur ah dhalay ayaa dhintay isaga oo Qur’an aqrisanaya – maalmo un kaddib markii uu yimid magaalada Birmingham.
Hassan Khebbeiz, oo labadiisa waalid waayay isaga oo da’yar, wuxuu ka xoogsan jiray UK kaddib markii uu kasoo qaxay dalkiisa Suuriya si uu nolol dhaanta tii uu kasoo cararay uga helo waddankan.
Wuxuu joogay un muddo kooban oo lagu qiyaasay hal bil – isaga, xaaskiisa iyo labadiisa carruur. 59 jirkan ayaa sida lagu soo warramay naftu ka baxday xilli uu aqrisanayay Qur’anka kariimka ah, sida ay qortay Birmingham Mail.
Walaalihiisa wuxuu kaga soo kacay dalka Suuriya, waxaana hadda xaaskiisa iyo labadiisa carruur ay gudaha UK ku wajahayaan nolol aabbe iyo sey la’aan ah.
Sanduuqa caawimada ayaa loo furay si duugtiisa loo fududeeyo – ehelkii uu ka tagayna loogu geeyo adduun yar oo ay gacan qabsi kasii dhigtaan inta ay kala qabsanayaan nolosha waddankan. Xasan ma ahan Muslimkii ugu horreeyey oo isaga oo Qur’an aqrisanaya geeriyooda.
You must log in to post a comment.