MUQDISHO (HN) — Mahdi, oo ah 12 jir u dhashay dalka Gabon ayaa kulanweynaha tartanka Qur’anka kariimka ah ee Boqor Abdulaziz kaga yaabsaday cod macaan iyo xifdin Qur’an – waana un labo sannadood kaddib inta laga joogo markii uu qaatay diinta Islaamka.
Mahdi ayaa ah Muslimka kaliya ee reerkiisa ku jira, waxaana macalinkiisa iyo ardaydii wax la dhiganaysay ka yaabisay sida cajiibka leh oo uu dusha uga qeybay Qura’anka iyo hal-adeygnimadiisa.
Imam Zakaria oo ah barihiisa ayaa sidoo kale ahaa qofkii kalmadda tawxiidka u qabtay markii uu qaadanayay diinta Islaamka, sida ay kusoo warrantay Arab News.
“Markii ugu horreysay waxaan mooday inuu kaftamayo,” ayuu yiri Zakariya. “Waxaan weydiiyay haddii uu wax ka yaqaan Islaamka, wuxuunaa ahaa qof ku hal-adag hubana waxa uu leeyahay oo uu doonayana.”
“Waxaan kaliya naftayda kula faqay ‘tani waa un hadyad Ilaahay la doonay inankan Mahdi ah.”
Mahdi wuxuu si dhaqsiinyo leh durba u xifdiyay afar meelood meel kamid ah Qur’anka kariimka ah. Waxaana u raacsanaa culuum kale oo Islaami ah sida axaadiista Rasuulka NNKH.
“Waxaan si fiican u dhaadayay sida suubban ee baahi-qabka leh oo uu u xifdinayo Qur’anka kariimka,” ayuu yiri Zakariya.
“Waa inan fariid ah oo aan lamid ahayn intii aan soo arki jiray oo dhan.”
You must log in to post a comment.