MUQDISHO (HN) – Ku dhawaad 5,000 oo samafalayaal ah ayaa iska diiwaangeliyay si ay ugu adeegaan xujeyda gudanaysa xajka, sida ay kusoo warrantay wasaaradda arrimaha diinta, dacwada iyo hanuuninta.
Wasaaradda ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 247 jaad oo shaqooyin kala duwan ah oo qofka samafalaha ahi u qaban karo xujeyda. Waxaana kamid ah qeybinta caagag biyo ah oo gaaraya 235,000 oo la siinayo xujeyda ooman, qeybinta buugaag ka hadlaya xajka iyo taariikhdiisa iyo wixii la halmaala.
Ol’olaha samafalka ah ayaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo is dhexgalka bulshada Muslimiinta ah ee kala afafka iyo dhaqamada ah.
Muslimiinta ayaa sannad kasta u baxa si ay usoo gutaan mid kamid ah tiirarka Islaamka oo ah Xajka.
You must log in to post a comment.