Hooyo faqri awgiis carruurteeda u dilaysa.

New Delhi (Himilonewtwork) – Booliska ayaa bilaabay baaritaan kadib markii hooyo da’yar ay dishay labadeeda carruur waayo waxay ku daashay ku noolaanshaha nolosha saboolnimada, marka loo eego booliska Hindia.
Booliska Mumbai ayaa sheegay inay haweeneyda ku oogeen fal-danbiyeed ah inay galabsatay geerida labadeeda carruur.
Kadib dhaafinta nafta labada carruur, Anita Ajay Kumar Kanojiya, oo 29-jir ah waxay isku shubtay bansiin. Kadibna waxay isku qabatay dab.
Seygeeda ayaa sheegay inay is qabeen muddo 4 sano ah. Dhawaanahan ayay ka ashtakoonaysay nolosha adag oo ay ku jiraan, hayeeshe waxba uma qaban karin maadaama uu maalintii oo dhan uu shaqeeyo.
Maalintii Sabtida markii seygeeda uu u baxay shaqada, Anita ayaa gaas ku bilbishay labadeeda carruur oo 9 bilood iyo laba sano kala jira.  Waxay ku qabatay dab.
Markii ay hubsatay inay dhinteen, waxay iyaduna soo qaadatay bansiin way isku daadisay kahor inta aysan dab isku qaban.
Jaarka oo arkay holaca ka baxaya guriga ayaa isku dayay inay gurmadaan, markii qofna uusan ka furin, waxay u yeereen seyga. Wuxuuna la yimid booliska.
Saraakiisha booliska ayaa gudaha ku arkay meydadka saddexda qofood oo aad u gubtay.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!