Aabe gabadhiisa ku dilay nadaafad-xumi iyo dhega-adeyg.

New York (Himilonetwork) – Aabe lix carruur ah heysta ayaa loo xiray dilka mid kamid ah gabdhihiisa oo uu ku dhaliilay inay areebo ahayd.
Aabahan ku nool gobalka Ohio dalka Maraykanka ayaa qirtay inuu dilay gabadhiisa waayo waxay diiday fulinta amaradiisa iyo inaysan qolkeeda nadiifsan.
64-jirkan lagu magacaabo Jamal Mansour ayaa aad uga caraysnaa sida gabadhiisa ay ugu dhex nooshahay qolkeeda oo meel walba dhar iyo harhar cunto uu daadsan yahay.
Mansour oo ah milkiilaha xarunta gaas ayaa amray gabadhiisa 27 jirta ah inay nadiifiso qolkeeda. Markii ay ka dhega-adaygtay wuxuu laba jeer ka toogtay madaxa.
Tahani oo ah gabadhiisa oo ka shaqeyn jirtay xarunta caafimaad waxaa loola cararay isbitaalka si qaliin loogu sameeyo xabadaha ku dhacay, hayeeshe way u geeriyootay.
Waxaa lagu riday xabsi dhan 22 sano.
Aabaha ayaa mar gabadhiisa ka diiday inay u baxdo Las Vegas haddii kale uu is dili doono. Hayeeshe way ku gacan seyrtay. Waxaa la sheegay inay halkaas u aaday ka qeybgal shir.
Maxkamadda horteeda, Mansour ayaa raali-geliyay qoyskiisa. Wuxuu sheegay inuu ka qoomameynayo dilka inantiisa. Isna uu jeclaan lahaa inuu noqdo midka geeriyooday.
Mansour ayaa ku dhashay Jordan. Wuxuu usoo qaxay Maraykanka sanadkii 1978-kii, marka loo eego booliska.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!