crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Imtixaanka Guud oo maanta ka qabsoomaya Jaamacadda Muqdisho + Sawirro. | HimiloNetwork

Imtixaanka Guud oo maanta ka qabsoomaya Jaamacadda Muqdisho + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Labada saac ee soo aadan, ardaydani waxay u fadhin doonaan ka jawaabidda su’aalaha ku qoran warqadaha horyaalla. Waana fasal kamid ah fasallada kulliyadaha oo maanta ay kow u tahay gudagalka imtixaanka guud ee Jaamacadda Muqdisho.

Muuqaallada ardayda ayaa laga dareemayay sida xooggan oo ay ammintan ugu soo diyaargaroobeen inay ka muujiyaan wacdaro iyo kaalmo wax-ku-ool u ah safarka wax-barashooda jaamacadda.

Waxay isugu jiraan arday sannadkii koowaad kasoo gudbaya iyo kuwo maalmihii ugu dambeeyey ee jaamacadda maraya kuwaas oo aan hadda kaddib u fariisan imtixaankan oo kale.

Laakiin daqiiqadahani majiro qof qof kale uga waaya’aragsan. Kaliya midkii ugu dadaalka badan un baa ugu dhoolla-caddeyn bata marka warqadaha la iska qaado.

Qaar kamid ah ardayda oo markii uu soo dhamaaday imtixaanka la hadlay warbaahinta Himilo ayaa ka warramaya diyaargarowgooda iyo filashadooda la xiriirta natiijada imtixaanka.

“Wallaahi filashadu ma xuma, guul ayaana ka rajaynayaa natiijada imtixaanka,”ayay tiri Xamdi oo sannadka labaad u gudbaysa. “Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu guulo aan ku faraxno uu naga siiyo,’ ayuu sii raaciyay Maxamed.

Gudddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, mudane Ibrahim Dheere ayaa kormeeray qaar kamid ah fasallada ay ardaydu ku qaadanayeen imtixaannada. Wuxuu si dhow ugu kuurgalay habraaca ay ardaydu ugu fadhiisteen imtixaanaadka. In yar kaddib markii ay dhamaadeen ayuu warfidiyeenka la hadlay.

“Maanta waa maalin kale oo aan u fadhinno inaan soo xirno bog kamid ah bogga jaamacadda,” ayuu yiri. “Waxaana guulo u rajaynayaa ardayda Jaamacadda.”

Jaamacadda Muqdisho ayaa si adag u kormeerta imtixaanaadka ardaydeeda taas oo ka dhigan in ardaydu ay qalqaalo fiican geliyaan diyaarinta iyo ka jiba-keenidda maadooyinka ay qaataan. Dr. Ibrahim Dheere wuxuu sheegay in imtixaannada ay ardayda jaamacaddu u fariistaan uu yahay dadaalo bulsho oo u baahan in looga mahadceliyo qof walba.

“Waalid iyo walaal iyo qof walba oo suuragaliyay in ardaydeennu jawi aan warwar iyo hubaal la’aan lahayn ay ku yimaadaan jaamacadda si ay wax u bartaan – mustaqbalka dalkana ay wax kusoo kordhiyaan ayaa mahadaas iska leh.”

Waa imtixaanka kama dambeysta ah ee fasal-sanadeedka 2021-2022. Waxaana xigi doona fasaxa sannadlaha ah kahor intaan dib loo anba-qaadin wax-barashada jaamacadda sannadka soo aadan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!