Nairobi (Himilonetwork) – Qiyaas marka laguu sheego inaad qabto kansar. Kaddibna, qiyaas marka lagugu yiraahdo adigaa sababta leh sidaas darteedna laguu deyriyo.
Taasina waa waxa ku dhacay Christine Imbosa Maloba oo ku nool Kenya.
Waxaa gebi ahaanba gooyay bulshadii ay la nooleyd kaddib markii laga helay kansarka ku dhaca ilmo-galeenka.
“Waxaa i nacay seygeyga.”
“Kaniisadda aan aado, dhammaan way i diideen. inta badan saaxiibbadey ayaa xitaa xiriirka ii jaray,” ayay tiri Christine.
“Waxaan ku fekeray inaan is dilo”
Waxay ahayd sanadkii 2015 markii Christine ay isku aragtay dheecaan iyo dhiig badan oo hoos ka imaanaya, sidaas darteed waxay aadday inay dhaqtarkeeda aragto.
“Dhaqtarka ayaa warka naxdinta leh u sheegay oo ah inay qabto kansarka ilmo-galeenka,” ayay xusuusatay Christine.
Aad bey u muraaro-dillaacday.
“Waxaan ku fekeray, inaan nafteyda dilo, waxaan ku fekeray inaan is dilo,” ayay tiri.
Markii ay warkaas la wadaagtay asxaabteeda iyo qoyskeeda, ma aysan rumeysan karin falcelintii ay ka heshay.
Bulshadeeda dhexdeeda, si la mid ah kuwo badan oo ku nool Kenya, waxaa jira feker qaldan oo laga qabo kansarka, gaar ahaan kan ku dhaca makaanka.
Dadka bulshada ay ka soo jeeddo ayaa aaminsan inay cudurka ka qaadday rag badan oo ay la seexatay.
Inkastoo mid ka mid ah waxa sababa kansarka makaanka uu noqon karo caabuqa la isugu gudbiyo galmada – oo loo soo gaabiyo (HPV) – waxaa jira waxyaabo kale oo badan oo sababa sida sigaar cabidda, difaaca jirka oo daciif ah iyo kaniiniga dhalmada lagu kala dheereeyo ee afka laga qaato.
Waxay iigu yeereen dhillo.
Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka Qaranka ee UK, xitaa haddii aad carruur dhasho waxaad kansarka makaanka ugu jirtaa khatar sare. Tusaale ahaan, haweenka dhalay labo carruur ah waxay labolaab uga khatar badan yihiin haweenka aan carruurta dhalin.
Balse Christine, bulshadeeda waxay ka aamineen in tumasho ay u sababtay kansarka waxayna ugu yeereen dhillo.
“Waxaan ka dhashay bulsho ay raggu haween badan guursadaan, dhammaantood xiriirka ayay ii jareen.”
“Waxay u sheegeen hooyadey: ‘Lama hadli doonno sababtoo ah waa dhillo; waxay tumashada billowday iyadoo yar,’ ama ‘rag badan ayay la seexan jirtay,'” Christine ayaa sidaasi sheegtay.
Waxaa jira takoor badan
Guurka in ka badan hal xaas amaba sey ayaa laga sharciyeeyay Kenya sanadkii 2014, balse waa ragga kuwa haween badan guursada.
“Dadka keliya ee i garab istaagay waa hooyadey iyo gabdhaha walaalahay ah. Aad bey ii caawiyaan – mar walba oo aan xanuunsado way ii yimaadaan.”
Christine keliya lama dhibtooneyso in la deyriyay – balse waxaa haysata dhibaato dhanka dhaqaalaha ah, iyadoo hore ugu tiirsaneyd ninkeeda. Mar ay walaalkeed caawinaad weydiisatay haddana wuu ka diiday.
“Walaalkey iga weyn wuxuu igu yiri: ‘Ma caawinno dadka xanuunsan – waxaan keliya u qaaraannaa dadka dhintay’.”
Christine ayaa dareentay in la go`doomiyay iyo niyadjab. Markaas ayay saaxiibteed kula talisay inay aaddo xarun lagu daryeelo bukaannada aad u xanuunsanaya oo Nairobi ku taalla.
Xaruntan ayaa la furay sanadkii 1990 waxayna xilligaas ahayd xarunta daryeelka ee nooceeda ee ka furan Bariga Afrika.
Christine waxay sheegtay in xaruntu ay siisay rajo ayna uga mahad-celineyso caawinaaddooda.
Halkan, Christine waxay awoodday inay weheshato dadka fahmaya xaaladdeeda.
“Gobtan way i caawisay. waanu is dhiirri-gelinnaa, waxaan in badan ka fekernaa caqabada aan wajahno.”
“Waxaa jira takoor badan. Xaqiiqdii erayga kansar, waxaad keliya ku dhawaaqi kartaa markaad la joogto dadka qaba kansarka.”
“Meelaha ka baxsan, kansarku wuxuu u yahay xukun dhimasho.”
Balse xaruntan ayaa isbeddel ku sameysay nolosha Christine.
“Waxaan dareemay in ugu yaraan ay rajo jirto. taasina waa tallaabadii ugu horreysay ee aan u qaaday helidda daaweyn.”
“Laga soo bilaabo xilligaas, waxaan mar walba ku rajo weynahay in daaweyn aan helo aan ku bogsan doono.”
Christine ayaa ka mahad-celineysa caawinaadda ay ka heshay xarunta, waxayna rajeyneysaa in mar uun kansarka daawo loo heli doono.
You must log in to post a comment.