LONDON (HN) — Waqti Xanuunka Covid-19 uu dunida ku baahayo, siinta ama sadaqadu waa mid aad loogu baahi badan yahay.
Intii lagu jiray bisha Ramadaan, Masjidka Jaamaca ee Rizvia ee magaalada Burton ayaa 3500 oo xeerooyin ah waxay u qeybinayeen dadka ayaanka liita iyo nugulka bulshada ku jira.
Iyaga oo isticmaalaya jikada Masjidka, samafalaaysha ayaa – iyaga oo sooman – isku taagayay karinta iyo qeybinta xeerooyin ay ku jiraan cunno bisil iyo cabitaan fudud si ay uga haqabeelaan kuwooda u baahan.
Dadaalkoodu wuxuu noqday mid aad loogu baahi iyo bogaadin badan. Sidaas awgeed, waxay balan-qaadeen inaysan ku joogsan doonin bisha Ramadaan oo kaliya. Balse ay sii wadi doonaan samafalkooda bilaha kale si kaalintooda kaga aadan bulshada uga soo dhalaalaan.


You must log in to post a comment.