HomeDunida MuslimkaMasjidka Burton oo maalinle Cunnooyin bisil ugu qeybinaya Nugulka Bulshada ku jira.

Masjidka Burton oo maalinle Cunnooyin bisil ugu qeybinaya Nugulka Bulshada ku jira.

LONDON (HN) — Waqti Xanuunka Covid-19 uu dunida ku baahayo, siinta ama sadaqadu waa mid aad loogu baahi badan yahay.

Intii lagu jiray bisha Ramadaan, Masjidka Jaamaca ee Rizvia ee magaalada Burton ayaa 3500 oo xeerooyin ah waxay u qeybinayeen dadka ayaanka liita iyo nugulka bulshada ku jira.

Iyaga oo isticmaalaya jikada Masjidka, samafalaaysha ayaa – iyaga oo sooman – isku taagayay karinta iyo qeybinta xeerooyin ay ku jiraan cunno bisil iyo cabitaan fudud si ay uga haqabeelaan kuwooda u baahan.

Dadaalkoodu wuxuu noqday mid aad loogu baahi iyo bogaadin badan. Sidaas awgeed, waxay balan-qaadeen inaysan ku joogsan doonin bisha Ramadaan oo kaliya. Balse ay sii wadi doonaan samafalkooda bilaha kale si kaalintooda kaga aadan bulshada uga soo dhalaalaan.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments