crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nigeria – Maamul-goboleedka Yobe oo Afurka u sameynaya Danyartooda. | HimiloNetwork

Nigeria – Maamul-goboleedka Yobe oo Afurka u sameynaya Danyartooda.

Lagos (Himilonetwork) – Gofanarka gobalka Yobe ee dalka Nigeria ayaa ku deeqay adduun lacageed dhan N63.5 million – una dhiganta $177,000 – si loogu afuriyo dadka tabaaleysan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Warkan waxaa dhanbaal lagu soo qoray bulshada u aqriyay agaasimaha guud ee gofenarka Abdullahi Bego.
N15 million waxaa lagu bixin doonaa qoondada ku baxaysa imaamyada bisha barakaysan ee Ramadaan Muslimiinta ku hoggaaminaya cibaadada.
“Gafanarku wuxuu sidoo kale ansixiyay 1, 260 baag oo bariis ah, 630 caagado saliid ah si loogu kariyo goobaha lagu afurinayo dadka sooman ee danyarta ah,” ayuu yiri.
Marka loo eego afhayeenka, , N48.5 million waxay ku bixin doontaa qoondada raashiin karinta iyo isku dubbaridka afurka lagu sameynayo 42 xarumood ee loogu tala-galay inay ka afuraan.
Wuxuu intaas kusii daray in qoondada uu ansixiyay gafanar Ibrahim Gaidam lagu jaadi doono xarumaha dowladda si shaqaalaha rayidka ahna ay uga qeyb noqdaan.
Bisha Ramadaan ayaa la filayaa inay dhalato May 16 sannadkan 2018-ka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!