In this photo taken Wednesday, June 24, 2015, an Imam leads evening prayers during the month of Ramadan at the Al Farooq Omar bin Al Khattab Mosque in Dubai, United Arab Emirates. Efforts by Muslims to modernize Islam are nothing new. For centuries, Muslim theologians, philosophers, poets, jurists and scientists advanced not only their understanding of Islam but the world. (AP Photo/Kamran Jebreili)
Dhalinyaro Samafalayaal ah oo Suxuur ‘free’ ah u sameynaya 32,000 oo Danyar ah.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
May 13, 2018
439 Views
Dubai (Himilonetwork) – Ku dhawaad 700 oo samafalayaal ah ayaa qorsheynaya inay suxuur lacag la’aan ah qeybiyaan inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan si ay u buuxiyaan booska ay ka tageen samafalayaasha bixinaya adeegga afurka bilaashka ah.
“Guddiga ardayda wuxuu doortay inuu qeybiyo cunnooyinka suxuurta, waayo waxaa jira naadiyo dhowr ah oo u qoondeysan qeybinta afurka. Qofna kuma soo dhicin suxuurta. Suxuurtuna waa muhiim marka la joogo Ramadaanka,” ayuu yiri Ahmad Abdul Karim Julfar, oo ah agaasimaha guud ee Community Development Authority isaga oo la hadlaya Gulf News.
“Waxaan hubsanaynaa in mashruuca qeybinta suxuurta uu noqdo mid ay u dhan yihiin dhammaan adeegyadiisa,” ayuu sii raaciyay.
Waxay qorsheynayaan inay 32000 oo qofood u qeybiyaan suxuurta kuwaas oo kamid ah kuwa dakhligoodu hooseeyo ee isugu jira shaqaalaha dibadda uga yimid dalka UAE.
Qeybintu waxay bilaaban doontaa inta u dhaxaysa Taraawiixda kaddib ilaa 10:00 habeennimo iyo saqda dhexe.
“Suxuurtu waa u muhiim shaqaalaha xoogsatada ah si gaar ah, qaarkoodna waxaa laga yaabaa inaysan awoodi karin inay suxuurtaan,” ayay tiri Halima Mohammad, oo ah madax-weynaha CDA Youth Council.
Waxay ku dhiirri-gelisay dhalinyarada Dubai ku nool inay ku biiriyaan xoogooda iyo maalkooda si mashruucan ugu soo afmeermo guul bisha Ramadaan dhexdeeda.
“Dhalinyaradu waxay inta badan isku dayaan inay bannaanka u hawo doontaan marka ay ka baxaan Taraawiixda, waxaana habboon inay wax qiimo leh ay innaga nala sameeyaan.”
“Waxaan ku dhiirri-gelinayaa kuwa heli kara waqti iyo awood inay nagu soo biiraan si aan wadajir ugu guuleysano hir-gelinta mashruucan samafalka ah.”
Related
2018-05-13
You must log in to post a comment.