crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxay Ardaydeennu uga haraan Wax-barashada? | HimiloNetwork

Maxay Ardaydeennu uga haraan Wax-barashada?

Muqdisho (Himilonetwork) – Dhalasha kaddib qofka waxaa u bilowda tacliin tar-tartiib ugu korta oo uu ka qaato meelo kala duwan, kala wareega maalmaha ayaa bara waxyaabo cusub isagoon u qasdin, ilaa godkiisa kolba aqoon baa u siyaadda, waxaa  raacda midda la derso ee ka lug qaada dugsi  hoose oo ah kadin laga galo wax-barshada fasallada loo fariisto, waana midda dadku aysan wada helin.
Jiirta ka sokaysa bardhamaadka tacliinta oo dheer iyo marxaladaheeda oo midba sannado lagu nagaado ayaa keenta in carruurta da’yaraan lagu geeyo goobaha wax-barashada, ujeedkuna waa in la isku beego aflaxooda iyo hana-qaadkooda, waa sida lagu saleeyo wax-barashada siyaasadda leh.
Carruur badan oo nasiib yeesha helidda wax-barasho ayaan dhameystiranin tacliin kasbashooda, isagana hara duruufo soo wajaha awgood, waa mushkilad dunida ka wada jirta balse loo kala nugul yahay, waxaa la isku dayey in laga hor tago dhicidda dhaqankan dhabaha aqoonta ka weeciya da’yarta.
Warbixin sanadeed soo baxday intii u dhaxaysay 2014 iyo 2015 ayaa lagu faah-faahiyey qaddiyadan, India sanad wax-barasheedkaas waxaa  iskuullada hoose  ka haray 4.34%, halka kuwa sare tirada ka baxday lagu sheegay 17.86 %, xogtu waxa ay muujisay in dhibaatadu tahay mid aan ku ekeyn dal gaar ah.
Sida ay qortay mareegta theirworld.org, waxaa wax-barasho la’ malaayiin carruur kuwaa oo daafada dunida ku kala nool, asbaabta tacliin seegidda baday da’yartan qaar way ka siman yihiin waddamadu kuwana kama sinna, isku geyn waa dib u dhac kuwaba si ula dagaya mustaqbalkooda dambe ee noloshada.
Asbaabta keenta ka haridda ardayda ee iskuullada waxaa horseeda arrimo isa suran, waxayse ugu daran tahay markay is biirsadaan sababahaas. Natiijada ka dhalata wada dhicidooda waa inay wax-barasho waayaan hoggaamiyaashii beri. Somaalia asbaabta keenta tacliin ka tagidda waxay u eg tahay inay u soo wada martiyeen Soomaalia.
In kastoo tiro aan yareyn oo ka mid ah da’yarteenna lagu arko jidadka iyagoo u kalahaya ama u baqoolaya goob wax-barasho heerkay tahayba, weydiinta daba taal waxay tahay da’yartaas tacliintooda ma idlaystaan? Waa banaan yaal, inay tiro badan ka tagaan wax-brashada  tiigsigoodu halkaa ku jabo ama ku xagal daaco.
Waa suura gal inaad adiguba ka hartay iskuul ama xarun kale oo aad wax ka baraneysay kolkii wax isku kaa qaban waayay ama aad og tahay arday kale oo duruufo ka horyimid dhankay waxay ahaadaan uga baxay madaraso, haddaba ka tagidaa iyo ardayda kalaba wax bay ku qotontaa dhicideeda.
Asbaabta ugu muhiimsan ee keena in wax-barashada waxaa ka mid:
Asbaabta Ka Timaada Dhanka Qoyska;
A- Dhaqaalaha reerka oo yar – tusaale waxaa suurowda in dakhliga reerka uu aad u yaryahay, sidaa darteedna aysan isku keeni Karin bixinta lacagta wax lagu barto (Fee) iyo masruufidda reerka, waalidka qaar tani waxay ku kaliftaa inay caruurtooda ay tacliinta ka reebaan.
BGuriga oo ay taalo hawl badan – sida la arko waalidka badan marka caruurtu ay ka soo laabtaan iskuulada ama madaarista kale waxay ubadka ku mashquuliyaan hawlo xad dhaaf ah kuwaa oo keena dib u dhac iyo duruus diyaarin la’aan ku dhacda ardayda.
C- Ardayga oo inuu shaqeysto lagu booriyo – waxaa kale oo suurowda in waalidku duruuf jirta darteed ama fudeydsi caruurta uu ku dhiiri geliyo inay shaqeystaan, oo uu ubadka tuso caruura iskood u shaqeysta ama dad la shaqeeya.
D- Guriga oo aan ardayga laga bogaadinin – daraasado la sameeyey waxay muujiyeen in bani aadanku ay wax weyn uga dhigan tahay in la dhiiri geliyo, balse nasiib darro waalidka barkooda ilmahooda caga-jugleyn mooyee ma bogaadiyaan.
E- Ardayga oo marasada lagu cabsi galiyo –  waxaa dhacda in marka mid ka mid ah caruurteena uu sameeyo wax aanan jecleynsan inaan markii ku niraahdo, waxaan kuu sheegayaa macalinka, taana waxay didineysaa ardayga.
F- Khilaaf ku soo noq-noqda reerka (hooyada iyo aabaha) – tani qudheeda waa dhibaato kale oo caruurteena u horseeda mararka qaara inay tacliinta ka tagaan, kadibbna ay la dersaan niyad dhanka noloshada ah.
G- Qoyska oo guur guur badan – tani waa mid nagu badan, waxaana keenay arrimo  isku keen-kaashaday, xasilooni la’aan iyo arrimo kale ayaaa qoysas badan u horseeday guur-guur tiro badan, taas wax-barashada caruurteena ayey seeteysay.
H- Ardayga oo waaya qof uu ku tiirsanaa – Soomaaliya tani wey ka jirtay muddo siiba xilliyadii dagaalada  ilaa iyo maantana weli caruurta badan ayaa ku waalid waaya ficil uu aadane uu fuliyey, inkastoo qaddartu ka horeysay.
Asbaabta ka timaada dhanka GOOBAHA WAX-BARASHADA;
A-Xiriirka waalidka iyo goobta wax-barasho oo yar ama aan jirin –  iska war-qab la’aanta waalidka iyo iskuulka, madarasa ama jaamacadda tani waa mushkilad weyn waxa ay fursad xagal daac ah sii neysaa inay tacliin seegaan caruurta (qodobkan wey wadaagaan).
B-Goobta wax-barashada oo aad u durugsan – marka tani ay dhacdo waxaa suurowda in ardayga xilli  hore soo baxay ku han weynaa inuu xiiso qaato in al-baabka laga xirto maalmo, taa waxay bedeleysaa u heelanaantiisii tacliinta.
C- Fasaxa masarada, iskuulka ama jaamacadda oo badan – Tani waxaa muuqata in dad badan aysan u arkin wax sidaas u weyn, balse waxaa la xaqiijiuyey in ay dawr weyn ay ku leedahay in caruurteena ay wax-barashada ka haraan.
D- Iskuulka ama jaamacadda oo lagu dhaco (marar badan) – Macaliinta qaar imtixaanaha marka aad u dhabbo gasho way isku soo bandhigaan, taana waxay keentaa in arday badan ay dhacaan oo uu halkaa ku lumo hankoodii wax-barasho.
Ardayda oo ku wada dhaca imtixaanka waxa ay la mid tahay in macalinkuu wax barayayna uu isna dhacay sida ay qabaan aqoonyaha cilmiga bulshada, kubaradan waxay qabaan in imtixaanka laga dhigo mid arday kasta uu waxba u fudud.
F- Habka tacliin gudbinta macalinta oo liidada – Barayaasha qaar waxa ay tacliin gudbinta u adeegsadaan habab qadiimi ah oo aan la jaan qaadi Karin casriga cusub, qariiqada macalinka uu isticmaalo ardayga lababa way u keeni kartaa inuu wax-basrahada uu jeclaado ama uu naco.
Baryaasha qaar waxa ay ka boodaan inay laasimaan manhajka ardayga, wax daneyn aha ma siiyaan oo waxay dhigaan mid iyaga u qaar ah.
Asbaabta ka timaada dhanka deegaanka;
A- Ardayga oo la saaxiiba saaxiibo aan wanaagsaneyn – waalidiin badan waxaa suura gal ineysan wax xil ah iska saarin qodabkan , balse waxaa lagu tiriyaa cudurada keenta in caruurteeda ay tacliinta ka haraan.
B- Guur inta badan deg deg ku dhaca – Soomaaligu waxa ay tiraahdaa “wax lagu talo xumaado waxaa ugu roon guur.” Sidaa darteed dhib weyn malaha inkastoo arday badan tani ay u horseeday in wax-barashadoodii ay ka joogsado kaddib marka hawlo kale ay ku soo fursaan (reer dhaqasho).
C- Ardayga oo xanuunsada ama naafo ah – Ardayda qaar iyagoo la’xaad la’ ayey wax-bartaan waxaa dhacda in amarka alle lagu sooco lagu dacaayadeeyo, natiijada ka dhalata waa cuqdad nafsi  ardayga la derista ugu dambeyna keeni karta inuu ardaygu tacliinta ka baxo.
Ardayga oo in badan dhegehiisu ku soo noq-noqdaan erayo lagu durayo naftiisa waa dhibaato aan aad loo dareensaneyn, balse halis ah.
D-Ardaya oo la fasal ah ardayg in badan ka weyn ama ka yar – intan aan idinla wadaagay kuma koobna asbaabta keena in ardaydeeda ay wax-barshada ka haraan, balse waa qeyb ka mid ah cudurada horseeda ka tagida tacliinta furaha u ah nolosheena aakhro iyo aduunba.
Xalka mushkiladahanna waxaa lagu heli karaa in dhinac walba (siiba waalidka iyo goobaha wax-barashada ) in ku kasta uu kaalintiisa adkeeyo, la daraaseeyo wax waxa ardayga tacliinta ka erya kaddibna waxaas lagu wajaho waxa ku haboon, is xasuusin mar walba waa muhiim ardayga uu helo dhiiri gelin iyo taloolin lagu kabo.
Qoridda qormadan waxaa ku jira xog aan la xigtay wareysi aan la yeeshay bare Axmed Nuur Xuseen Khaliif oo mushkiladda qudhiisa wax ka qoray.
Qore: Axmed Maxamed Maxamud ‘Haadi’.
Kala xiriir: huuno2016@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!