crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kenya oo sameynaysa Doon laga farsameynayo Balaastikada ‘bacaha’. | HimiloNetwork
A traditional sailing dhow carries coral bricks for construction near the island of Lamu, Kenya, November 9, 2017. REUTERS/Siegfried Modola

Kenya oo sameynaysa Doon laga farsameynayo Balaastikada ‘bacaha’.

Lamu (Himilonetwork) – Xeebta magaalada Lamu ee dalka Kenya waxaa ku safan walxo kala duwan oo isugu jira harharka qashimada oo bacduna ay qeyb weyn ka tahay.
Markii degane kamid ah degmada uu isku howlay mashruuca nadaafadeynta xeebta oo 33 ton qashin ah uu soo ururiyay, Ben Morrison wuxuu go’aansaday inuusan sidaas ku fiirsan xaaladda – xilli jaziiraddiisu ay sii xumaaneyso.
Sidaas awgeed, 42-jirka dheer ee garka buuxa, wuxuu goostay inuu sameeyo doon laga sameynayo balaastikada bacaha ee daadsan xeebta.
“Waxaa sii adkaaneysa helidda alwaax laga sameeyo doomaha. Waxaa rajeynayaa in mashruucani uu sahli doono xirfadlayaasha doomaha sameeya inaysan kaliya ku tiirsanaan alwaaxda balse ay adeegsadaan balaastikada,” ayuu Morrison u sheegay Reuters.
Kororka balaastikada waa dhibaato caalami ah – halkaas oo noolayaal badan oo ku kala nool bad iyo berri ay halis ugu jiraan inay u dhintaan cunisteeda. QM ayaa sheegtay in marka lagaaro 2050-ka badaha laga heli doono baco ka badan kalluunka, haddii aan tallaab degdeg ah hadda laga qaadin.
Bishii August sannadkii hore, Kenya ayaa mamnuucday adeegsiga bacaha ‘balaastikada’ – halkaas oo qofkii lagu helo isticmaalkeeda lagu ridi doono 4 sano oo xabsi ah ama ganaax dhan $40,000.
Dalka Geeska Afrika wuxuu hadda ku jiraa xadaynta mushkiladda balaastikada, ayuu yiri John Konchellah, oo ah guddoomiyaha National Environment Management Authority.
“Waxaan dooneynaa inaan dhalooyinka balastikada ah adeegsanno in badan,” ayuu yiri. “Waxaan rabnaa inana soo amaahsano tiknoolojiyadda qaar sida PETCO oo ka jirta dalka Koofur Afrika halkaas oo shirkadaha wax soo saarka ugu waaweyn ay sameysteen hey’ad gaar ku ah dib-u-adeegsiga balaastikada.
Petco waa shirkad ay aas’aastay shirkadda balaastikada Koofur Afrika si dib loogu isticmaalo bacaha qaar.
Morrison oo ay dhismaha doontan ka sameysan balastikada kala dhinac shaqeeyeen xirfadlayaal Kenyan ah, wuxuu ku jiraa dadaalkii ugu danbeeyey oo uu kusoo saarayo doontiisa ka sameysan bacaha si uu ugu galo safar ilaa iyo Cape Town gaari doona.
“Howshani mafududa. Balastik walbana ma ahan mid u sameysan in dib loo isticmaalo,” ayuu yiri. “Waana inaan gunta hoose ka bilownaa mashruucan dhaqan-galkiisa.”
Ali Skanda, oo ah 44-jir doomaha sameeya, wuxuu sheegay inuu yaraantiisa halkan ku arki jiray halis aan muuqan, balse maanta dameero badan ayaa u dhimanaya  cunista balaastikada. Waxaana lamid ah dii-diinka, lo’da iyo xoolaha kale.
“Markii hore waxaan moodayay fikrad waalli ah. Sidee doon looga sameyn karaa balastik?” ayuu is weydiiyay. “Qaarkeen ayaa is-weydiinayay waxa nagala gudboon mushkiladdan. Meel walbana waxaa ku faafsan bacaha. Marka waa inaan wax ka qabanno.”
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!