crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Imisa Daqiiqadood ayaa ku dhex sugnaan kartaa Biyaha?! | HimiloNetwork

Imisa Daqiiqadood ayaa ku dhex sugnaan kartaa Biyaha?!

Muqdisho (Himilonetwork) – Loo yaqaan Sea Nomads’, dadka Bajau waxay biyaha qaaradda koofurta Aasiya quusayeen kumaankun sannadood – iyaga oo ku dhex nool aqallada doomaha iyo cunista kalluunka. Waxay muddo dheer caan ku ahaayeen ku dhex sugnaantooda biyaha muddo fog, hayeeshe taniyo dhawaanahan, cidna ma ogeyn inay awood u leeyihiin inay biyaha ku jiri karaan neefsi la’aan.
Waxay ku dhex sugnaan karaan biyaha 13 daqiiqo oo xiriir ah.
Carruurta yaryarka ah ilaa waayeelka, dadka Bajau waxay isku si u quusi karaan biyaha dhexdooda, kuna negaan karaan muddo dheer iyaga oo aan bannaanka usoo neefsi doonan. Cilmi-baarayaashu waxay qabaan inay leeyihiin awood 50% ka badan dadka kale taas oo u sahlaysa inay sidaas muddo kusoo dhaqmaan.
Balse ma ahan oo kaliya dadka Bajau kuwa hibada gaarka u leh. Isla qaaradda Aasiya waxaa ka jira qolo kale oo la yiraahdo Moken oo ku nool xeebaha Burma iyo Thailand kuwaas biyaha quusi kara neefsi la’aan.

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!