crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Binolanan – Magaalada Xanta ay Mamnuuc ka tahay! | HimiloNetwork

Binolanan – Magaalada Xanta ay Mamnuuc ka tahay!

MANILA (HN) — Maamulka Binolanan, oo ah xaafad yar oo 200 km waqooyi ka xigta caasimadda Manila, ayaa soo saaray sharci lagu mamnuucayo xanta – hadafku wuxuu yahay in bulshada laga ilaaliyo hadallada ku-tiri-ku-teenka ah ee ku dhex baaha hadiyo jeer.


Qof walba wuxuu qaadayaa mas’uuliyadda ereyada afkiisa kasoo baxa. Marka ugu horreysa oo lagu helo xan, waxaa lagu ridayaa ganaax lacageed dhan 200 pesos una dhiganta ($3.8) iyo saddex saacadood oo xiriir ah inuu jidka ka nadiifiyo qashinka. Haddii mar labaad qofka lagu helo xan, wuxuu bixinayaa lacag dhan $20, wuxuuna siddeed saacadood oo xiriir ah ka shaqeynayaa howlaha bulshada. Sharci ilaa iyo hadda sooma saarin qodobada loo aqoonsan karo inay xan yihiin. Balse sida maayarka degmada, Roman Guico uu sheegay, hadal walba oo loo aqoonsan karo ku-tir-ku-teen wuxuu noqonayaa xan.

La-yaabka ku jiri kara sharciga oo taniyo sannadkii 2017-ka ka dhaqan-galay Binolanan, wuxuu tilmaami karaa dhowr dadka degaanka kamid ah kuwaas oo markii lagu helay xamashada lagu riday ganaax dhan ($10), iyo inay ka qeyb galaan howlaha bulshada ee danta guud, wuxuu soo ifiyay natiijo lagu farxo.

Waayo mar kale in xan lagu helo tiradii markii hore lagu ganaaxay ma dhicin. Qof walbana wuxuu iskiis uga haray inuu bulshada ku dhex xantamo.

Laba deyn isku heysata faaqidooda, lammaane xiriir jaceyl wadaag ah oo isku dhacsan sheekadooda, qiyaanada iyo buuninta dhacdooyinka ayaa intaba waxaa loo arkaa xan.

“Waa waqti lumis,” ayuu yiri maayarka. “Waxaa fiicnaan laheyd in dadku arrimahooda gaarka ah ku mashquulaan. In la mamnuuco xanta, waxay wanaajinaysaa horumarka bulshada.”

Wuxuu iska diiday maayarku in sharcigani xad-gudub ku yahay, wuxuuse hadafka laga leeyahay ku tilmaamay mid la iskugu soo dhaweynayo bulshada.

“Duntu waxay tahay in qof walba mas’uul looga dhigo ereyada afkiisa kasoo baxa, farriintuna waxay tahay in samaha lagu noolaado.”


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!