crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 8 jir doonaya in Bisha Ramadaan oo dhan uu soomo! | HimiloNetwork

8 jir doonaya in Bisha Ramadaan oo dhan uu soomo!

Kampala (HN) — Ka Abdulraheem Basalirwa, oo ah 8 jir u dhashay dalka Uganda, taniyo markii lix jirsaday wuxuu jeclaa inuu soomo.


Sannadkan, wuxuu doonaya inuu bisha oo dhan soomo, sida ay soo xigatay Khaliij Times.

“Carruurnimadaydii ayaan jeclaa inaan soomo markii aan arko walaalkey iga weyn oo soomaya, waxayse ahayd mid ii daran,” ayuu yiri.

“Maalinti koobaad waxaan dhaafi waayay duhurki oo waan iska afuray, maalinkii labaadna casir ayaan gaaray, laakiin maalintii saddexaad waxaan ku dhammeystay si fiican.”

Balse wuxuu inta badan caqabad kale kala kulmi jiray ardayda iskuulka oo aan sidiisa oo kale u qaan-gaarin, balse haddana aan isku dhibin inay soomaan.

Sidaas oo ay tahay, soonkii hore wuxuu ka qaatay 25 maalmood.

“Waxaan dareemaa farxad, waxaana sugayaa abaal-gudka ay i siiyaan labadayda waalid marka aan la dhammeysto farxadda soonka,” ayuu yiri.

“Sannadkan waxaan rajeynayaa inaan bisha oo dhan soomo,” ayuu si kalsooni leh usii raaciyay.

Basalirwa aabihiis, Musa Haji, wuxuu sheegay inuu aad ugu riyaaqsan yahay sida inankiisu ay uga go’an tahay inuu soomo.

Marka laga yimaado Soonka, wiilkan yari wuxuu sidoo kale xaadiraa salaadaha Taraawiixda.

Soonku qasab kuma ahan da’da aan qaangaarin, balse in loo tababbaro waa ay bogaadinaysa diinta Islaamku.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!