crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid Baaskiil ku abaal-marinaya Carruurta Ramadaanka kusoo dukada. | HimiloNetwork

Masjid Baaskiil ku abaal-marinaya Carruurta Ramadaanka kusoo dukada.

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Kelantan, dalka Malaysia, ayaa balan-qaadayaa in carruurta salaadaha soo xaadirta Masaajidda inta lagu jiro bisha Ramadaan ay heli doonaan baaskiilo abaal-gud ah.


“Kuwa salaadda subaxa, maqribka iyo cishaha masaajidda kusoo dukada, waxaa la siin doonaa baaskiil,” ayuu yiri Imam Ustaad Baharin Yuusuf ee masjidka Mahmudi.

Yuusuf wuxuu sheegay in ol’olaha la bilaabay sannadkii hore si carruurta loogu dhiirri-geliyo in ugu yaraan saddex salaadood kusoo tukadaan masjidka maalin walba.

Sannadkii hore, 100 carruur ah ayaa ka qeyb-galay barnaamijka abaal-gudka baaskiilka, balse waxaa natiijadii loo baahnaa kusoo baxay 15 carruur.

M. Abby Danial Mohd Hakiki, oo 10 jir ah, kaas oo 30-kii habeen Masjidka ku tukaday Taraawiixda ayaa ku guuleystay abaal-gudka.

“Waxaan u imaada masjidka si aan jameecada u garab istaago, haddii aan helo baaskiil waa nasiib fiican, haddii kale camalkayga waxaa ii xisaabinaya Alle,” ayuu yiri Sekulah Kemudi oo arday ah.

Muhammed Zahin Najmi Zamri, oo 13 jir ah, ayaa tartanka ugu jira inuu helo baaskiil cusub si midkii hore ee ka halaabay ugu bedesho.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!