crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 61 kun oo Carruur ah oo ka qeyb-gashay Ol’olaha Pray & Play. | HimiloNetwork

61 kun oo Carruur ah oo ka qeyb-gashay Ol’olaha Pray & Play.

KONYA (HN) — Dowladda hoose ee magaalada Konya ayaa sannadkii hore bilowday ol’ole cusub oo lagu magacaabo: “Kaalay imow Masjidka oo ku madadaalayso.” Hadafku waa in carruurta jirta da’da 7-14 u dhaxeysa inay salaadd subax kusoo dukadaan masjidka muddo 40 maalmood oo xiriir ah.


Carruurta waxaa lagu dhiirri-gelinayaa siinta hadyado qaali ah oo isugu jira kuwo muuqda oo la taaban karo iyo dhibcooyin loogu darayo buundooyinka imtixaanka ay ka keensadaan iskuullada ay dhigtaan.

Hab-dhaqankooda iyo anshaxa ayaa ah labada ugu weyn ee laga qiimeyn doono inta uu socdo ol’olaha.

“Carruurteenna iyo waalidku waxay isku kaashanayaan inay salaadda Subax soo ajiibaan, waana muhiim inay bartaan aqoonta diinta Islaamka,” ayuu yiri maayarka magaalada.

31 degmo ee magaalada Konya ayuu mashruucani ka dhaqan-galay, waxaana uu si habsami leh uga socday muddadii loo qorsheeyey inuu socdo.

Konya waa gobalka ugu weyn dhul ahaan dalka Turkiga kaas oo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.

Islaamka ayaa soo gaaray Turkiga qarnigii 7aad, waxaana 90% dadka Turkigu ay yihiin Muslimiin. Rasmi ahaan, laakiin, Turkigu waa dal calmaani ah oo aan laga heysan diin rasmi ah oo dowladdu aqoonsan tahay.

Si kastaba, Xisbiga AKP ayaa amray in dugsiyada aas-aasiga ah ee dalka oo dhan laga dhigo maadada diiniga, waxaana ubadka la baraa tiirarka Islaamka.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!