crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Samburu: Gudniinka Fircooniga iyo Guursiga Gabdha aan dhab u korin | HimiloNetwork

Samburu: Gudniinka Fircooniga iyo Guursiga Gabdha aan dhab u korin

Muqdisho (Himilonews) – Heesidda iyo qoob ciyaarista iyada oo taagan kulan maalmeedka dugsiga, Younis waxay ku il-doorsataa jeclaanshaha dunida da’yar Kenyaati ah uu xaq u leeyahay—iyada oo xirashada uniforms dugsiga ku dhoolla-caddeysaneysa.
Tani waa kasoo bax caqabadeed oo ay soo martay gudaha nolosheeda 13-jirnimada. Kolkii ay 9-jir aheyd, waalidka Younis waxay u agaasimeen inuu guursado nin iyada ku dhawaad awoowgeed la facaad ah—si raacsan xeerka dhaqameedka Samburu.
Samburu waa abka qabiillada xoola-dhaqatada oo la tilmaamo inay yihiin firka ay kasoo jeedaan qowmiyadda Maasai-da. Xittaa ku banaan-jirta, afkooda iyo dhaqamadooda waxay kasiman yihiin meelo badan.
Younis iyo gabdhaha iyada oo kale ah waxay ku dhiirra-deen inay kasoo huleelaan dhaqamadan –guursiga ilmaha, gudniinka Fircooniga iyo in labab reerka kamid ah loo balan-qaado inay bikir-jabiyaan gabdhaha aan u bislaan galmashoodka—kuwaas oo sharci-darro ka ah gudaha dalka Kenya.
Hayeeshe, ka baxsiga dhibaatooyinkan, gabdhuhu waxay la kulmaan deyro sababta in waalidkooda ama bulshadooda ay isku waayaan.
“Markii aan sagaal jir noqday, aabahay ayaa ii guuriyay nin 78-sano jir ah,” ayay sharaxday Younis, xusuusta waaya’ragnimadeeda bardadan wali waa gaheyr. “Waxaan ula kacay gurigiisa waxaana la joogay hal toddobaad.”
“Wuxuu ii sheegay inaan ooridiisa noqonaya hayeeshe waxaan dhibane, waxaan rabay inaan dugsi aado. Balse ninkaas wuxuu iga rabay inaan xaas saddexaad u noqdo. Waxaan u sheegay inaan xaas u noqoneyn wuuna i sarbiyadeeyey.”
“Kadibna waxaan maqlay inay jirto haweeney kaalmeysa carruurta. Waxaan lug uga imid Baragoi. Xittaa maalintaas maheysan dacas. Waxaan imid Maralal…Kulea waxay ii kaxeysay xafiiska caruurta, way I badbaadisay.”
Waxaa ku jira sideed gabdhood oo Younis lamid  ah koleejka; gedigood waxaa waxaan nabad-galyeeyey Josephine Kulea iyo Ururka Gabdhaha Samburu.
Gabdhan iyo tira kale oo 200 ah oo Kenya kula nool, Kulea waxay ugu yeeraan Mama Kulea. Markii qoysaskoodu diideen inay wax badan la qabtaan gabdhahooda, booskii hooyo-nimo waxaa u buuxisay Kulea.
Kulea waxay la dagaalamaysaa dhaqanka ka jira Samburu kaas oo ay kusoo kortay. Waxay sheegtay inay bilowday weydiinta su’aalo ku saabsan waxa ka dhacayay bulshadeeda kadib markii wax kusoo baratay qeybaha kala duwan ee Kenya.
“Waxaan garowsaday inaan nahay kuwa kaliya ee sameeya gudniinka fircooniga,” ayay tiri Kulea. “Waxaan ogaaday sida aanay tani sax u aheyn oo loo baahan yahay in laga hor-tago. Waana taas sababta aan u bilaabay badbaadinta gabdhaha.”
Gudniinka fircooniga iyo guursiga gabdhaha aan gaarin waqtiga guurka waxaa laga dhigay sharci-darro gudaha dalka Kenya.
Waalidiinta iyo bulshada gabdhaha ay soo badbaadiso waxaa la xabisaa muddo kooban, qeyb badan oo bulshada Samburu kamid ahna majecla is-baddalka ay dooneyso inay dhaliso.
Inaad kusoo dhex korto bulshadan, qof kasta il kale ayuu igu fiirshaa, ‘Waa inaad naga mid noqotaa, waa inaadan nala dagaalin,” ayay sharaxday. “Wali tani waa igu caqabad hayeeshe waxaan ogolahay inay socoto.”
Jeer iyo hadda, inkasta oo ay jiraan gabdho badan oo kaalmo u baahan; xaafad xilliyeed ay oo qowmiyadda Samburu ka dhisteen meelo kala duwan, koox haween ah yaa u yeertay Kulea si ay kaalmo u weydiistaan.
Guurguurka xilliyeed ee xaafadaha waa idilka jid cusub oo wasaqeysan—lana dhisay bil kahor. Majraan wax koronto iyo biyo ah, dugsiga ugu dhowna aad bay ugu adag tahay carruurtu inay u lugeeyaan: kaliya boqolkiiba shank amid ah bulshada Samburu ayaa wax aqriya waxna qora.
Si loo wada gaaro dadka, Kulea waxay qabataa barnaamij idaacadeed kaas oo ah sida maamooyinka ku nool xaafadaha ay u maqli karaan; gabdhaha halkan ku nool kol hore ayaa loo iibsaday—loona ballan-qaaday labab gudaha ah ku badalashada kuul dahab ah – midda ugu yar hadda waa toddobo jir.
“Gabdhaha xaafadan ku nool kulligood waxay ku jiraan halis,” ayay tiri. “Tani waxay jirtaa sagaal sano waxayna rabaan inay guuriyaan.”
Gabdhaha waxaa galmo ahaan u iibsada xubno kamid ah isla qowmiyadda kahor intaan la guurin. Kolkay gabadhu gaarto xilliga guurka, waxay u guuriyaan qof ka dhashay beel kale. Haddii gabadhu u uureysato mid kamid ah qoyskooda, waxaa dhacda in lagu qasbo inay marto qalitaan ilma-xaaqis ah. Hadday ku hal-adeygsato inay dhasho ilmaha, waa wax adag in bulshadu dhaweystaan aqbalisteeda.
In-kasta oo gudniinka fircooniga iyo guurka xilli hore uu sharci-darro ka yahay Kenya, caado-dhaqameedyada way adag tahay in la jabiyo.
Angela, oo 12-jir ah, waxaa soo badbaadiyay Kulea kadib markay aragtay saaxiibadeed oo lagu sameynayo gudniin fircooni ah: waxay sheegtay inay aragtay dhiig iyo cabaad: iyada oo sameysay inay ka fogaato cadaabkan oo kale.
“Markii sagaal jir ahaa, aabahay ayaa rabay inuu i gudo,” ayay tiri. “Waxaan u baxsaday keymaha.”
Kulea waxay ku faaneysa hida-dhaqankeeda – iyada oo xirata dharka qabiilkeeda—heesta qoobkana ka ciyaarta xilliyada fasax ee qalin-jabinta gabdhaha Samburu ee wax bartay. Waxay si fudud u rumeysan tahay in haweenka iyo gabdhaha sida Younis iyo Angela ay door ku yeelan karaan horumarka bulshada. Waxayna dooneysa inay aragto iyaga oo hela fursadaas.
“Waxaa jirta rajo. Waana ogahay mar walba oo aan carruur badan u qaadno dugsiyada mustaqbalka waxaa jiri doona is-badal inuu ku yimaado bulshadeyda.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
 Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!