Fariimaha jaceylka
Posted by: Zakariya
in Dhanbaallada
November 14, 2015
3,549 Views
Muqdisho – Wax waliba adiga ayaa iiga sharaf badan . wey iidhiman tahay adiga oo kale. Meel waliba waad kaqurux badan tahay.
Qof walba wuxuu jecel yahay in uu helo wax u qalmo. Waxaan doonayaa nolosha in aan kula qeybsado. Taas ayaa go’aankeyga ah.
Aniga tallaabadeyda hadaan celiyo. Nafteyda kama celin karo inay ku jeclaado. Waan ku jeclahay.
Dadnimadaada ayaa iqancisay. Wax walbo adaa iiga qaalisan.
Aniga hadaan dambi galay –waa inaan ku jeclaaday oo kaliya. Jaceylkuna dambi ma ahan. Hadiise aad ogtahay inaan dambi galay, adiga kaama galin. Qalbigeyga ayaan kagalay. Adigase ayaa igu kaliftay.
Barashadaadii kadib, nafteyda wey kugu qanacday weyna ku aamintay. Mana laga yaabo in aad qalbigeyga kabaxdo. Waxaa tahay nolosheyda.
Aniga jecelkaada qalin kuma qorin; qolna kuma xardhin. Waxaan ku naqshadeeyay gidaarada qalbigeyga. Kobtaas ayuu iigu nabad galay.
Waxaan qirayaa inaan riyooyin iyo rajooyin qurux badan wadaagnay. Waqti qali ah ayaan wada qaadanay. Hawaaro Jeceylka Dhabta ah.
Related
2015-11-14
You must log in to post a comment.