crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhaqtar kufsaday gabar 15-jir bukaan ah! | HimiloNetwork

Dhaqtar kufsaday gabar 15-jir bukaan ah!

Nairobi – Bileyska Siaya County ayaa raadinaya dhaqtar lagu soo eedeeyey inuu kufsaday gabar 15-jir bukaan ah xilli uu baaritaan ku sameynayay xaaladeeda caafimaad. 

Dhaqtarka ayaa la sheegayaa inuu qolka marinta tijaabada caafimaadka uu kusoo xirtay gabadha. Hooyada dhashay gabadha ayaa tilmaantay inay gabadheeda marisay indha-ku-hubin. 

“Dhaqtarka ayaa marki horaba ku adkeystay in gabadha oo kaliya ay usoo gasho qolkiisa tijaabo marinta. “Dhaqtarka ayaa kadibna ii sheegay inaan ka baxo qolka si uu shaqadiisa u qabsado waana qaatay,” ayay tiri hooyada. 

Si kastaba, hooyada waxaa ku beermay walaac markii baaritaanku uu qaaday waqti dheer. Kahor inta aanay gudaha galin si ay wax u hubsato, waxaa kahor timid gabadheeda oo ooynaysa. 

“Kolkii aan su’aalay waxa dhacay: waxay igu tiri dhaqtarka ayaa i kufsaday. Markii aan dhaqtarka su’aalay dhab ahaanteedana wuu iska diiday,” ayay tiri. 

Waxay durba gabadheeda ula carartay isbitaalka halkaas oo ay kusoo hubsatay in uu jiro kufsi lagula kacay. 

“Waxaan ku laabtay dhaqtarka si aan u weydiiyo sababta uu u kufsaday gabadhayda. Balse wuu dafiray mar labaad,” ayay tiri. 

OCPD Wanbua Matuso ayaa sheegay in dhaqtarka uu ka cararay magaalada.

“Waxaynu dhaleeco ka helnay hooyada inanta oo tiri: waa la kufsaday gabadhayda. Mana harsaneyno ilaa aan gacanta kusoo dhigno,” ayuu yiri. 

Isha: Himilonews.com

Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!