crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Khilaafada Islaamka oo sheegatay weerarkii Paris | HimiloNetwork

Khilaafada Islaamka oo sheegatay weerarkii Paris

Muqdisho – Khilaafada Islaamka ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda weerarkii Paris kaas oo ka tagay dhimashada in-ka-badan 120 qof sida lagu sheegay warbixin toos loogu daabacay war-fidiyeennada. 
Waxaa lagu yiri: “Sideed kamid ah walaallada Mujaahidiinta ayaa weerar naf-hurnimo ku qaaday wadanka saliibiga ah ee Faransiiska.”
Warbixinta oo lagu qoray afafka Carabiga iyo Faranjiga ayaa loogu goodiyay weeraro hor leh oo lagu qaadi doono gudaha dalka Faransiiska–inta uu kamid yahay dalalka ka dhanka ah Khilaafada Islaamka. 
Waxay sii tilmaameen in weeraradii qorsheysnaa ee lagu qaaday garoonka kubadda cagta iyo hoolka Batacklan loo abaabulay si hubanti ah. 
Faransiiska ayaa kamid ah gaashaan-buurta uu Maraykanku hoggaaminayo ee duqeynta ka wada dalalka Siiriya iyo Ciraaq–halkaas oo IS ay kaga dhawaaqday Khilaafo Islaami ah kadib markii ay la wareegtay dhulal tira badan oo labada dal kamdi ah sanadkii hore. 
Madax-weynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa kol hore ku eedeeyey kooxda IS inay ka danbeysay weerarka Paris kaas oo ay geysteen dagaal-yahanno hubeysan oo kamid ah kooxda Daacish. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!