crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Meesha ugu xun ee Hooyo lagu noqdo!! | HimiloNetwork

Meesha ugu xun ee Hooyo lagu noqdo!!

Muqdisho – Tirinta dadka ku dhinta Afrikada saxaraha ka hooseysa, ma ahan la yaab in meesha ugu halista daran ee dunida halkaas oo lagu dhalo ay tahay kobta u dhow xadka Soomaaliya. 
Gudaha qolkan dhalmada, kusoo biirinta naf cusub dunida aalaaba waxay ku ebyantaa geeri. Halka banaanka qolka qalliimada ay fadhiyaan haween kol horaba foolanayay kuwaas oo fogaan dheer uga yimid meeshan–waxay ku jiraan sugaalka. 
“Aad bay goobtani u mashquul badan tahay. Caadiyan waxaa dhacda in mar qura ay wada dhalaan saddex hooyooyin.”
Dacalka fog ee xadka qasan ee Kenya la wadaagto Soomaaliya, halkani waa Isbitaalka guud ee Mandheera kaas oo ah tiigsiga koobaad ee faya-dhowrka degmo–muhiimad ahaan aad uga ballaaran Wales. 
“Kani ma dhallaankaada la yaabka leh baa?!”
“Haa– waa cunugeenna la yaabka leh.”
Sideed toddobaad jir aan bila dhameysan kaas oo wax ka yar hal kilogram lagu dhalay, Abdinoor Mohamed Abdi wuxuu taniyo markaas sameeyey bogsimaad la xusi karo. Hayeeshe, hooyadiis nasiib uma yeelan inay horumarkiisa aragto. Waxay dhimatay maalin kadib dhalashadiisa. Ayeeyadiis oo ah naafo neef qabta ayaa u nool korriimadiisa. 
Inaan fikir kaa siiyo sida murugta leh ee ay xaaladdu tahay, heerka badbaadada dhalashada waa 9 taas oo kala bar ku jibbaaran midda Afghanistan iyo 4.5 jeer ka sarreysa midda Soomaaliya–halka 937 jeer ay ka sarreyso heerka badbaadada dhalasho ee dalalka Sweden iyo Spain. 
Haween ugu badan dunida ayaa halkan ku umul-raacda. 
Waxaa jira sababo badan oo arinta salkeeda jiifa. Amni darradu waa doorka ugu weyn. Taniyo markii ay Al-shabaab bilaabeen beegsiga dadka wax-galka aan Muslimiinta aheyn ee ku nool Mandera sida dhaqaatiirta, booskii faya-dhowr ee ay dhaqaatiirta ayaa la waayay. Mana jirin rogaal muuqda oo lagu badalo jagada ay faarujiyaan dhaqaatiirta. Halka hey’adaha caafimaadka ee magaalada joogay ay sabab amni awgeed iyaguna isaga hayaameen. 
Ku guursiga da’yaraanta ayaa sidoo kale ah sabab kale oo haween badan ay ku umul-raacdeen. Waxaa kale oo door muuqda taagan caadada Gudniinka Fircooniga ah taas oo iyadna caqabadeeda salka ku sidata.
“Si walba oo aad wax-yaqaan u noqoto, waxaa ku qaadaya daadka caado-dhaqameedyada ay dadku rumeysan yihiin,”
Dowladda Kenya, QM iyo hey’adaha caafimaadka ayaa fara-galiyay xaaladda si ay isugu dayaan suura-galnimada in ol’ole wacyi-galineed ka dhan ah sababo dhaqameedka muuqda ee umul-raacashada salka u ah ay ugala qeyb-qaataan guddiga degmada Mandera.
Waa xilli aroor hore oo lagu jiro qolka qalliinka. Khadija Romo oo furan afar cintimir waxay uurka ku sidaa dhalkeedii sideedaad. Hayeeshe, uma muuqato qof laxawgu itaal dhigay. 
Joogista meesha dunida ugu halista badan ee lagu dhalo, Khadija waxaa ku hareersan shaqaalaha caafimaadka. Waxyar kadibna waxaynu ogaaneynaa in hooyooyinka iyo dhallaanka Mandera ay dhamaan u nool yihiin aragtida maalin cusub. 
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!