crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Godka Madow ee Lagu Waayay Malaayiin Gabdhood oo Hindi ah | HimiloNetwork

Godka Madow ee Lagu Waayay Malaayiin Gabdhood oo Hindi ah

Muqdisho (Himilonews) – Muuqaalka malluugan ee kuu muuqda waa qeyb kamid ah ol’ole lagu baraarujinayo wacyi-ga dadka reer Kolkata—halkaas oo wareegiiba lagu waayo gabar katirsan deegaanka—si looga gaashaanto Maqnaanshiyaha Gabdhaha.
Kamid ahaanshaha mashruuca guud ee Leena Kejriwal, sama-doonayaal badan ayaa ayaa ku deeqay talo, tabar iyo tigaadooda si loo abuuro foojignaan dhiifoon oo lagu hubsanayo gabdhaha sida murugada leh looga waayo guryahooda, dugsiyada ama goobaha shaqada kadibna lagu sandulleysto ka-ganacsiga jirkooda “sex work.”
“Tani waxay ka dhigan tahay hool gudcuran oo lagu waayay malaayiin gabdhood dibna aan loo arkin,” ayuu yiri Kerjiwal, oo ah sawire iyo farshaxane rugtiisu tahay Kolkata kaas oo 10-kii sano ee danbeeyey kala qeyb-qaadanayey Ururo aan dowli aheyn kahor tagga falalka ka ganacsiga haweenka—dhillaysi ahaan.
Sanadkii 2008, warbixin ay soo saartay QM ayaa tilmaantay inay jiraan saddex malyuun oo shaqaale jinsiyadeed ah “Commercial sex workers” halkaas oo boqolkiiba 40% ay carruur yihiin.
“Tiradan way sii soconaysaa hayeeshe, waxaa murugada leh waxay tahay in gabdho 9-11-jir u dhaxeeya ay qeyb ka yihiin dhibanayaasha,” ayuu u sheegay Kejriwal fogaan-aragga Al-Jazeera.
“Imisa Hindiyaan ah ayaa xaaladan la socda?” ayuu is-weydiiyey.
Sanado badanba, Kejriwal wuxuu isku dayay inuu wacyiga bulshada ku baraarujiyo xaaladahan halista ku leh gabdhaha, hayeeshe, wuxuu garwaaqsaday inaanay shaqadiisu ban-dhigi karin dhamaan xogaha dahsoon ee ka ganacsiga gabdhaha.
Waana taas markii ay timid fikradda mashruuca farshaxan ee loo bandhigo dadweynaha kolkii la dhaliyey.
Waxay aheyd bishii January ee sanadkii hore markii Kejriwal uu farshaxan ku muujiyay humaagyo dhowr ah oo lagu muujinayo maqnaanshaha gabdhaha lala tagay. Fal-celinta mashruuca wuxuu noqday mid awood yeeshay.
“Dadka tani waxay ku dhalisay baqdin iyo murugo waxaanay la moral jabeen tiiraanyadeeda,” ayuu yiri Kejriwal.
“Hadda waxay ku diyaar-garoobeen garab istaagista mashruuca waayo waxay ogaadeen inaan loo fadhi karin wax badan.”
Si loogu kordhiyo wacyiga guud ee magaalooyinka kale ee Hindiya, Kejriwal, wuxuu deeq lacageed ahaan usoo uruuriyay 1.6 malyuun oo Rupees bilo koobaan gudahood.
Waloow ol’oluhu ku socdo dacallo fidshadiisa, dhanbaalku sidoo kale waa mid kusii socda dhul-weynaha Hindiya qaab farshaxameyn ah. Ka helidda kaalmo badan ardayda, farshaxannada iyo gabdhaha yaryar ee laga soo badbaadiyay dad-ka-ganacsadayaasha, sawirrada gabdhaha lala tagay ayaa lagu sharaxay wax ka badan 200 oo gidaarro  oo ku kala yaalla sagaal magaalood oo Hindiya kawada tirsan sida Kolkata, Chennai, Delhi iyo Bangalore.
Priyanka Rungta oo ah hal-curiso ‘entrepreneur’ ku nool Kolkata waxay sheegtay inay si qoto dheer ula walaacsantay sawirada gabdhaha la waayay ee ku sharxan gidaaradda.
“Inkastooy adag tahay in lamaleeyo ilmo la waayo, hadana waa beer-wax dhalay kuwo waaya’aragnimadan maraya,” ayay tiri. “Balse waxa qura ee aan awoodi karno maanta waa inaysan sii soconin murugo danbe oo usoo hoyata qoysaskeenna.”
Shabnam Sisodiya, oo 23-jirad ah taas oo laga soo badbaadiyay xarun jirkeeda looga ganacsan jiray oo hadda ku nool degmada New Light, waxay la shaqeysaa urur aan dowli aheyn oo kahor tagga ka-ganacsiga jireed ee gabdhaha kuwaas oo kol hore iyadaba soo badbaadiyay.
Sisodiya oo farshaxantay sawiro badan oo gabdhaha maqnaaday ku lug leh ayaa ku dul-dhigtay: “Gabdhayahow waxay raggu idin ku dagaan inay idin ka dhillaystaan iyaga oo idin ballan-qaadaya guur been abuur ah iyo dhaan-dabagaaleys.”
17-jirad Minni Sarkar ah, taas oo doorbiday inaan la magac-dhebin waxay gidaarka gurigooda oo ku yaalla Kolkata ku sawirtay humaagyo muujinaya tiiraanyada gabdho iyada oo kale oo lagu waayay maqnaansho.
Suuqa weyn ee New Delhi ee Meena Bazaar—oo dhinac ku haya Masjidka Jaamaca, kaas oo lagu daabacay hal-ku-dhigyo muujinaya maqnaanshaha gabdhaha ayaa soo jiidatay indhaha dad badan inay qaadaan farriimaha.
Waratada suuqa ayaa ballan-qaaday inay wacaan nambarka caawiyaha ama cunigii lunsan ee ay helaan kusimaan gacanta NGO-ga ugu dhow kaas oo gabaad siiya caruurta hoy la’aanta ah.
“Waxaan la niyad-jabay ogaanshaha in sideedii daqiiqaba canug lagu waayo gudaha Hindiya,” ayay tiri Salima Bhai. “Hadda waan heystaa qadka kaalmada waana awooda inaan la wadaago wixii aan arko.”
Ka-ganacsiga dadka waa jiritaan caalami ah iyo isha saddexaad ee laga helo dheef badan kadib maandooriyaha jid-darrada ah iyo uga-ganacsiga hubka danbiyo abaabulan. Tiiyoo xeer ciqaabeedka Hindiya uu eedsiis adag oo xabsi dheer iyo mag-dhow badan dul-dhigay dad-ka-ganacsiga, hadana nuglaanta awoodeed ee sharciga ayaa sababtay inay joogsan waayaan falalkan.
Gabdhaha laga ganacsado waa da’yar sabool ah kuwaas oo badi kasoo jeeda qoysas ku nool dabaqadaha hoose ee nolosha—ahna kuwo si fudud loo bartilmaansado.
Urmi Basu, oo ah helaha ururka New-Light wuxuu rumeysan yahay in kororka socda ee wacyi-galinta bulshada uu fure u yahay is-baddal yimaada.
“Kol haddii marba marka kasii danbeysa aan helayno dad nagu soo biiraya, majirto sabab aan ku niyad-jabno,” ayay tiri. “Is-baddalku wuu imaan karaa.”
Jeer iyo haddana, Kejriwal wuxuu raadinaya hab kasii fudud oo lagu ballaarin karo farrimaha xanbaarsan maqnaanshaha gabdhaha.
“Waxaan ku faraxsannahay inaan heleyno caruur yar-yar, gabdho iyo haweenka ku nool miyiga iyo magaalada,” ayuu yiri Kejriwal. “iyo xittaa niman kuwaas oo taageero buuxda nala dhinac taagan had iyo goor si aan usii adkeyno hirgalinta yoolkeenna.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!