crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baro 10-ka Shaqaale ee aan Xirfadooda ku helin Qadarinta ay mudan yihiin | HimiloNetwork

Baro 10-ka Shaqaale ee aan Xirfadooda ku helin Qadarinta ay mudan yihiin

Muqdisho (Himilonews) – Waxaa muuqata tiro dhowr xirfadood ah in si sumcad leh looga sarreysiiyo xirfadaha kale ee magaca kala siman. Qofku wuxuu u dhow yahay inuu helo qiimeyn dheeri ah iyo tix-gelin hadduu dhaqtar, injineer iyo wax lamid ah yahay. Tanina uma baahna mala-maleyn lagu eego sax ahaanteeda tiiyoo maanta lagu nool yahay duni galti-baxaysa. Dadku wali waxay ku hal-adeygayaan dhigidda labadan xirfadood iyo kuwo lamidka ah meesha ugu sarreysa xirfadaha kale. Si kastaba, qofna noloshiisa kuma joogsaneyso  fiirada ah inuu dhaqtar ama injineer noqdo.  Sidaas darteed, dadku waxay kala qaataan doorashadooda iyaga oo doorkooda ka ciyaaraya howlaha xirfadeed ee ka bannaan  nolosha bulshadooda—taas oo ah xulashada ay ugu danbeyn hanti ahaan u helaan. Hayeeshe, maku helaan qadarin iyo tix-gelin lamid ah midda dhaqtarka ama injineerka shaqadooda?  Dabcan maya! Halka qofna uusan ku diideyn doorashada xirfad ahaaneed ee ay naftooda u xusheen, waxaa aalaaba lagu eegayaa fiiro liidata iyo mudnaan hoose –taas oo uga timaada qoyskooda ama saaxiibadooda. Tani dhab ahaantii waa xaalad laga murugoodo. Waxaa iska cad inay jiraan dad karaameysan oo ka shaqeeyaa howlaha hoose ee bulshada kuwaas oo lagu gaar yeelo—canbaareeyo—xirfadooda. Waxaase iska yar inta garowsata qiimahooda.
Taasi waa aragti guud ee mujtamac badan oo dunida saaran ay ka qabaan xirfadlayaashaas. Soomaaliduna waxay kamid tahay dalalka ku jira bulshooyinkaas.
Hadaba, http://himilonetwork.com://himilonetwork.com, waxay idin soo gudbinaysaa tiro dhowr xirfadood ah kuwaas oo qadarin lagu siinin xirfadlayaashooda.
  1. Adeegtada: Si fudud inaan tani ku tilmaano xirfad, dad badan waxay sunniyaha la taagaan la yaab. Ogolow ama diid, u shaqeynta sida adeegto kama hooseyso shaqo lamid ah midda laga sameeyo warshadaha. Nasiib-darase, adeegtadu mahesho qadarinta ay mudan tahay. Waxaa dhacda inay gurigeennu joogto adeegto. Waxaana hubaal ah inaan marag ka tahay sida liidata—xurmo ahaan—oo ay adeegtada gurigiinu idin kugula nooshahay.
  2. Nadaafadleyda—kuwo dhulka xaaqa iyo kuwo qashinka ururiya: Waxaa cajiib in kuwan la dhigay booska ugu hooseeya kala sarreynta xirfadaha. Tani dhab ahaantii waa u shaqo iyaga—u eegis la’aan inaad ku qadariso iyo in kale! Dadaalka ay bixiyaan dartood, waxaynu helnaa jidadka hufan iyo faras magaale quruxsan. Waa hubaal in midka xaqiiqsanaya in wax kasta oo nagu gadaaman ay nadiif noqdaan uu yahay midka aan isha liidata ku eegno. Iska daa in looga mahad-naqo juhdigay bixiyaane, xittaa looma tiigsado in hadal dabacsan lala yeesho.  Waxaa abaal looga dhigaa caay iyo canbaareyn.
  3. Kalkaalisada: Kolka aad ku dul jiifto sariirta isbitaalka la’aanta dhaqtar kuu yimaada, waa kalkaalisada midda taagan dhinacaada say u hubsato faya-qabkaada—una siiso dhaqtar warbixinta caafimaadkaada. Waa marag-ma-doonto in dhaqtarku aanu awoodin had iyo goor inuu ku dul taagnaado. Bale kalkaalisadu waa dhinacaada midda usoo tallaabsata mar kasta si ay ula socoto inaad heleyso raaxo kugu filan. Waa arrin aan lama awaali karin in shirkad ballaaran la howl-galiyo kalkaaliso la’aan. Waxaa muuqata inaanay jirin sabab loogu abaaldaroodo, hadana waxaa muuqata in lagu abaal darooday.
  4. Korontoolaha: Maxaad ku tilmaami kartaa xirfadooda?! Ma sama-bixiyaal mise sancooley?! Qiyaas duni qofna uusan diyaar u aheyn inuu galo booska shaqo ee korontada. Suura-gal ma noqoteen fal-gelin ahaan in maalin iyo habeen lagu noolaado qarniga maanta oo ileysku yahay isha lagu socdo—iyada oo uusan jirin xirfadle koronto. Durba waad garaacdaa telifoonkooda—adiga oo u yeerta korontoolaha—deedna waxaad hubsataa in mar labaad ileysku kusoo laabtay rugtaada. Hayeeshe, kaasi ma yahay mid qadarin ku leh agtaada?
  5. Waardiyaha: Hagaag, marka aad timaado ama aad ka tageyso goobtaada shaqo ama waxbarasho kan ugu horreeya uguna danbeeya ee u taagan soo dhaweyntaada iyo inuu hubsado dhowrista hantitaada waa waardiyaha. Marka aad dhib-yari iska hurudno, waa waardiyaha midka aan seexanin ee u taagan ilaalinta hab-sami ee rugtaada. Balse kawaran hadduu yahay midka hurdadiisa uga tagay hubsashada hurdadeenna midka aan aragtida liidata ku salaanno kulan kasta.  Waardiye-nimadu waa u shaqo iyaga—taasina waa howl ay u bareeraan qabashadeeda. Mana helaan wax u dhigma dhididkooda—dhaqaale ahaan. Iskaba daa af macaan oo ay ka dhowraan bulshadoodee.
  6. Xamaaliga: Eeg hareeraha gurigaada dhexdiisa. Dabadeed in-yar is-weydii ma awoodi laheyd inaad dhib-yari ku hesho aqabyada tuban gurigaada? Jawaabta waxaad ka heli kara markaad il naxariis leh ku fiiriso xamaaliga. Dhididkiisa iyo wadne garaaciisa badan waa dadaal uu ku xaqiijiyey inuu gurigaada kuugu keeno wixii aad ku dhibtoon laheyd. Hayeeshe, intaas oo juhdi ah kadib, wali mahad-celin kal-furan mala gaclootaa? Kawaran hadduu ku caayan yahay halgankiisa? Kawaran midka dhibtaada dusha u ritay hadduu yahay midka ku dhaleeceysan howshiisa? Ugu yaraan mabixin kartid wax u dhigma abaalkiisa—hayeeshe, af macaan iyo anfaco adduun waad u awoodi kartaa.
  7. Caseeye—Baalashlaha: Tani waa xirfadaha ugu adage e laga qabto dalka Soomaaliya—maadaama ay xirfadlayaashiisu u badan yihiin da’yar xooggooda aanu wali israacin. Marka adiga oo labisku kaa yara labacsaday –midka kugu soo ordaya si uu qaab-labiskaada u dhameys tiro, waa baalashlaha. Dhib malahan intuu boorku kugu biday—waa isaga midka u taagan inuu si fudud dib kuugu hubsado in mar labaad xaragadaau saafi tahay. Hadana, doorka ay ku fadhiyaan kuma helaan xaq-dhowr—iska daa xanaano. Marar waxaa dhacda in shaqaday inoo hayaan lagu dhibaateeyo. Waxaa muuqata inay yihiin kuwo aan lagama maarmin hadana loola dhaqmo sida kuwo laga maarmo. Siinta xaqa iyo qadarinta ay nagu leeyihiin, waxaan ku hubsan karnaa sida ay muhiim ugu yihiin nolosheenna.
  8. Tumaalka: Dunidu waxay indhaha furatay markay baratay sida birta loola fal-galo. Loolanka dunidu ku kala dheeraatayna, waxay ku dhalatay doorka xirfadeed ee tumaallada. Tumaalladu waa kuwa biraha tuma. Runtii ma aqaan erey ka duwan kaas oo ku tilmaamo howsha qiimaha badan—balse aynan ku baraarugsaneyn Soomaali ahaan—oo ay hayaan Tumaallada. Ruushka oo ah dalka leh wax soo saarka hubka casriga ah ee dunida, wuxuu darajadaas ku helay xaq-dhowr iyo xurmo uu Tumaalladiisa u muujiyay. Waana Soomaaliya waxa ka dhigay dal musmaar xittaa sameynsan kari waayay, markii uu Tumaalkiisa hoos u dhigay. Tumaalnimadu xittaa erey-bixin ahaan laguma tilmaamin qaamuuskii la qoray 1976-kii ee Keenadiid. Taasna waa in bulshada inteeda biraha tuma heyb looga dhigay xirfadooda. Tumaalleydu waa xirfadlayaasha ugu dhiban ee ku canbaarooyay doorkooda bulshanimo.
  9. Daba-ka-fuulka—Kirishboyga: Dad badan ma jecla shaqooyinka caad-yaalka ah inay la wadaagaan dad-weynaha. Hayeeshe, marka lasoo hadal-qaado Kirishboy ama Daba-ka-fuul, dad badan waxaa u sawirma qof carcar ku jira, rabshadu sanka u saaran tahay iyo rafaadka iyo silicana sahay maalmeed ka dhigtay. Markase taas laga yimaado, Kirishboygu qeyb ahaan way dhacdaa inuu tilmaamahaas kaga sifoobo. Balse yaa sabata ugu badan iska leh saranseerka uu ku qaato nolol-maalmeedkiisa? Kirishbooyadu waa xoogsatada ugu waaya’aragsan kuwa la halmaala. Waxay si maalinle ula kulmaan dad kala duwan dabeecad ahaan iyo dulqaad ahaan. Waxayna ka bartaan casharro nool oo wax ku kordhiya noloshooda. Balse, ka rakaab ahaan, inagu masiino xurmada uu ku muto xirfadiisa. Waana sabab kamid ah sabaha ku keenay inay qallafsanaadaan. Ugu yaraan, hadduu naga heli lahaa il-naxariis—dad badan haba qoonsadaan oraahdaniye. Waxaa hubaal ah inay wacyigooda wanajin lahaayeen.
  10. Cunno-kariyaha iyo Kabal-yeeriga: Wax kasta oo aan ku cuneyno saxamadeenna, waxay ku yimaadaan juhdi adag oo ay soo qabtaan Cunto-kariyaha iyo Kabalyeeriga kadib beeraleyda. Waa laf-dhabarta adeegyadeenna—guri-joog iyo goob-joog labadaba. Waxay hal-gan dheer ku bixiyaan inay si fudud saxankaada kuugu shubaan cunno-bisil. Marka adiga oo gaajoon aad halhaleel kusoo gasho maqaayad, waa iyaga kuwo mar hore u darbaday inay ku haqabeeliyaan. Waxay kuula yimaadaan cunno-bisil. Markaas ayaad is-weydiin la’aanta say kuugu timid, calooshaada ka buuxsataa. Hayeeshe, waxaa yar inta ka mahdisa dhididkooda qiimaha badan. Waxaase loo guntadaa in lagu xifaaliyo xirfadooda—hadaanba lagu xanafeynin.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!