Marka Da’yarteenna Hal-abuuradda ah ay helaan Hiilka Madaxdeenna

Muqdisho (Himilonews) – Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta ku marti qaaday Madaxtooyada Puntland Guuleed Aadan Cabdi oo ah wiil da’yar oo jira 13-sanno kaasoo dhawaan si farshaxan ah Caagado uga sameeyey Baabuur kuna soo bandhigay Buuhoodle.
Guuleed ayaa Madaxtooyada Gudaheeda ku soo bandhigay baabuurtii yar yarayd ee uu gacantiisa ku sameeyey iyo Marwaxad ay weheliso Lay ifaya, Gawaarida ayaa isugu jira nooca Xammuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka, Bajaaj, Iska-rogada ciidda, dhagaxa gurta, iyo Diyaarad si cajiib ah uu u sameeyey.
Guuleed ayaa Gaadiidka u sameeyey u dhammaystiray dhammaan agabkii looga baahnaa hadday ahaan lahayd Taayirada, kuraastii, indhihii ama layrarkii, dhigihii alaabta lagu xirilaha, codkii ama hoonkii, iyo dhammaan wixii uu gaadhi u baahnaa, Baabuurta ayaa u eg kuwa ay sooraato warashada Qalabka carruurta samaysa ee qalabkaas Soomaaliya lagu Arko xiliga Ciidaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo aad ugu riyaaqay farsamada wiilkan ayaa ugu horrayn ilaahay uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana uu usii siyaadiyo, waxaana uu ku tilmaamay madaxweynuhu arrintani inay tahay mid layaab badan marka loo eego wiilka da’diisa iyo maskaxdiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku dhiiri geliyey guuleed inuu dedaalo wax-barashadiisana uu ka miradhaliyo oo aanu joojin hal-abuurkiisa iyo hirgelinta fikradaha cusub ee ka dhex guuxaya maskaxdiisa.

Xigasho–Isha: Dayniile.com. 
Nagala soo xiriir: Himilonews.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!