crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ka Ganacsiga Dhirta iyo Dhireynta | HimiloNetwork

Ka Ganacsiga Dhirta iyo Dhireynta

Muqdisho (Himilonews) – Marka aad maqasho ka-ganacsiga dhirta, durba maankaada waxaa kusoo dhaca shidaalka dhuxusha oo ah ganacsi dhantaal ku haya isku dheelli-tirnaanta deegaanka, duunyada iyo dadka.
Bale dhinacaas kaliya ma ahan isha qura ee laga adeegsado mowduucyada ku saabsan dhirta. Waxaa jira ganacsi kale oo liddi ku ah midka dhegahaada kusoo laablaabta ee ka ganacsiga dhuxusha. Kaasna ma ahan wax kale ee waa dhir-beerista.
Caliyow Saalax wuxuu subax kasta gaari gacankiisa kusoo qaadaa tiro dhowr geed ah oo ku jira daasad—lagu dhex tallaalay—si uu uga ganacsado. Wuxuu maalin kasta iibiyaa shan ilaa toban nooc ee geedo ah—kuwaas oo isugu jira geed miroodyo, ubaxyo iyo geed talaallo. Qiimo ahaan wuxuu iibiyaa inta  dhaxeysa 30,000 ilaa boqolkun sh Som. Tani waxay hubaashii deeq muuqata ku kordhisaa naftiisa—dhaqaale ahaan iyo nolosha deegaanka—dheef ahaan. Kaligiis ma ahan.  
Waxaa jira boqollaal xoogsato ah oo shaqada dhir-beerista ka ganacsada.
 “Waa fursad aan u arkay inay naftayda kaafin karto lacag ka sameynteeda,” ayuu yiri Saalax, oo ah aabo 32-jir oo shan carruur ah ka kala dhalay labo xaas. “Mana ahan howl adag farsamadeeda. Kaliya waxay u baahan tahay faham kooban.”
Saalax wuxuu markiisii hore shaqeyn jiray xaraashka dharka ee suuqyada Muqdisho. Hayeeshe, culeys badan oo uu kala kulmay shaqada adag ee xaraashka, wuxuu fursad ka doonay meel dhaanta dheef ahaan. Sidaas darteed, dhaayihiisa waxaa ku dhacay inuu geed-beerista ka ganacsado.
Isaga oo kaashanaya noloshiisii hore ee beeraha—oo sida uu sheegayo aheyd mid reerkiisu ay beeraley u badnaayeen, tani way u fududaatay fahamkeeda. Wuxuu si dhib-yar ku guda-galay ka dhurashada la qabsigeeda. Balse xittaa ganacsigeeda—Saalax, oo sida uu qirayo aan helin tacliin sare—tani ugama dhigneyn wax ka dheer dhaqaalo-abuur.
“Aqoontaydu way kooban tahay. Mana helin fursad waxbarasho oo heer sare ah,” ayuu yiri. “Balse inaan dhaqaalo ka abuurto dhirta iigama baahna cilmi-badan.”
Aragtidaas way ku nagaatay qalbigiisa. Hadda muddo laga joogo 3—sano, isaga oo wax ku dhow kun geed laga iibsaday, wuxuu wali la hal-gamaa garashada haddii ay jirto door ama kaalin inay shaqadiisu deegaanka ku leedahay.
 “Dadka qaar ee wax-bartay waxay i dhahaan waxaad kaalin ku leedahay deegaanka,” ayuu yiri. “Hayeeshe, wali waxaan la qabsadaa inaan ugu yaraan wax ku leeyahay dhabnimadeeda.”
Hal-fiiradiisa waxaa xoojinaya sahan dhawaan la qaaday kaas oo muujiyey in boqolkiiba 20% bulshada Soomaaliyeed kamid ah ay fahamsan yihiin muhiimadda dhir-beerista iyo xanaaneynta deegaanka.
Dal dadkiisu uu hadda kasoo baraarugayo cilmi-yari iyo colaado hareeyay, aqoonta badbaadineed ee deegaanka waa dib u dhacyada ugu weyn ee ku gudban horumarinta dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadka dhir-beerista u aqoonsatay 11-17 April ee sanad kasta. Dad badan waxay qabaan tani inay bilow fiican u tahay xanaaneynta deegaanka. Balse wax ka halbeeg culus baaq iyo asteynta maalmo dhir-beeris ayaa looga fadhiyaa dowladda. Waana Saalax dad uu kamid yahay  kuwa ugu mudan oo—si loogu muujiyo doorka bulsheed ee ay deegaanka ku leeyihiin—wacyi-gelin cilmiyeysan laga siin karo xirfadooda.
Soomaaliya ayaa lumisay duunyo badan badan oo isugu jirta duur-joog iyo dibad-joog kuwaas oo dacdarro iyo abaaro ka dhashay xaalufka ba’an ee lagu hayo dhirta ku baxay. Balse taasi wali ma ahan haddimada ugu weyn sida dad badani qabaan.
“Dhibta ugu weyn ee deegaanka ku socota waa u istaagid la’aanta badbaadinta dhirteenna,” ayuu yiri Xasan-kafi Ali, oo ah aqoon-yahan bartay culuumta bulshada iyo deegaanka. “ Helidda bulsho—qof qof ahaan, maalin kasta geed ku beerta meesha ay dalka kajoogto, waxay yareyn kartaa aafooyinka ku foolan bad-qabka deegaankeenna,” ayuu sii raaciyay isaga oo ka mahad-naqay xoogsatada fara-ku-tiriska ah ee naftooda iyo nolosha mujtamacaba ku tala-galay inay ku jiheeyaan barqinka maanta iyo baraaraha beritto.
 In kuwa wax-bartay ay makasta baraan muhiimadda dhirta iyo dhireynta, waxay kaalin ka qaadan kartaa ka fal-celinta dhibaatada lagu hayo deegaanka iyo ka ganacsiga dhuxusha.
Dad badani waxay qabaan dhisidda wacyi-ga guud ee bulshada ee ku aadan dhirta inay dardar-gelin karto dib u kabsashada deegaanka.
Si kastaba, wax ka dheer dhaqaalo-sameyn iyo nolol maalmeed ayaa laga heli lahaa deegaanka oo loo guntado in dib loo dhireeyo. Taas oo ah in dhaqan-galiyo xadiiskii Suubanaha NNKH ee ahaa: “hadduu Qiyaamuhu dhacayo—midkiin gacantiisuna ay ahaatay geed la beero—ha beero.”
Saalax wuxuu—in kasta oo uu caamo yahay—hadana wali ku hal-adag yahay in helidda tusaale habboon oo laga arko bahda wax-barashada oo ku aadan dhirta iyo deegaanka ay u fudeyn karto isaga iyo kuwa la halmaala inay bulshada kale usii gudbiyaan hogatusaale quman oo badbaado u ah deegaanka.
“Ma aqaan haddii aan afka wax ka fahmi karo. Aniga iyo kuwo ilamidka ah waxaan u baahannahay fal-gelin muuqata oo deegaanka ku aadan,” ayuu yiri. “Markaas kadib waynu qaadan karnaa doorkeenna.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!