crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dalka Gaana oo Kusoo Biiray Dalalka Sameeya Baabuurta | HimiloNetwork

Dalka Gaana oo Kusoo Biiray Dalalka Sameeya Baabuurta

Muqdisho (Himilonews) – Gaarigii ugu horreeyey ee gafuurka looga dhigo sumadda “Waxaa lagu sameeyey Ghana” ayaa lasoo muuqan doona aragti kulul jeer ay isku diyaarinayaan inay qeyb-ka noqdaan suuqa-xorta ee baabuurta oo ay kaalin ka qaataan wax soo saarka caalamiga ah.
Ninka suura-galiyay inay tani dhacdo shaki kama qabo sida ay tijaabadani u adag tahay.
“Ragaadka ‘Caqabaddda’ ugu weyn waa dadka rumeyntooda iyo kalsoonida ay ku qabaan sancada baabuurta,” ayuu yiri Kwado Safo oo madax ka ah Iskaashiga Kantaka –oo ah warshadda koobaad ee Ghana ka how-galinaysa sancada baabuurta. “Dadku waxay moodayaan in ilinku iska furmo ama sheegagu iska dhaqaaqaan iyo wax lamid ah.”
Si loo qayaxo tayada wax soo saar ee shirkadda Kantanka iyo siday dalka xaaladdiisa ugu habboon tahay, Safo wuxuu  tijaabo adag ku hoos-mariyay ciidanka bileysku inay noqdaan kuwo koobaad ee war-celin ka dhiibta wax soo saarkooda–isaga oo baabuur bileys u sameeyey.
“Waxay ku baxnaansheen lafahooda,” ayuu yiri.  “Iyagaana shacbiga uga warami kara.”
Gawaaridan waxaa loo sameeyey Ghana. Waynu ognahay sida jidadku yihiin. Waxaana u dhisnay inay dhabbahooda qabsadaan.”
Tiiyoo aragti quman laga bixinayo wax-soo saarkooda, hadana shirkadda Kantanka waxaa ku foolan caqabad kale maadaama ay suuqa kula jiraan shirkado ballaaran oo wax-soo saarkooda hubsaday. Xarunta warshadda oo ku taalla Accra waxay bishiiba sameyn kartaa 100-gawaari oo ku kacaya qiimo sare—halkaas oo kan ugu jaban lacag ahaan lagu iibsado 20,000 oo doolar.
Hayeeshe, ku tiirsanaanta horumarka xawliga ku socda ilaa hadda, caqabadahani kama hor joogsanayaan Safo riyadiisa. Mana ahan riyadiisa mid ku sargo’an seyladaha gudaha.
“Waxaynu helnay midda fog waayo waxaynu aaminsannahay maangalnimada,” ayuu yiri. “Maalin waxaa dhici doonta wax-soo saarkeenna dunidu naga iibsato.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!