Muqdisho (Himilonews) – Nafley naaso leh oo nuujisa: waxay kamid tahay dhir-xagatada–way daaqsataa. Waxay leedahay harag qiro weyn oo adag: oogo aan dhogor laheyn iyo adimmo gaagaaban. Waxay waligeed ku nooshahay gudaha iyo agagaaraha Webiyada Afrikada hodanka ah.Â
-
Waxaa kaliya laga helaa Afrika.Â
-
Magaca hippopotamus oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo Jeerta, waxaa lagu fasiraa faras webi.Â
-
Jeertu waa naasleyda saddexaad ee ugu weyn inta wax nuujisa kadib Maroodiga iyo Wiyisha cad.
-
Waxay badi waqtigeeda ku qaadataa gudaha webiyada iyo harooyinka.
-
Waxay ku dhex-dhashaa biyaha gudahooda.
-
Inkasta oo Jeertu qiro weyn tahay, hadana kama orod-yara Aadanaha.
-
Aad bay u camashoodaan kolka la maago.
-
Waxaa loo tix-geliyaa mid kamid ah noolaha halista leh ee Afrika ku nool.
-
Wuxuu cimrigeedu gaaraa 45-sano. Â