crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ganacsiga wareega ee: ‘Waa Caano Geel oo Saafi ah’ | HimiloNetwork

Ganacsiga wareega ee: ‘Waa Caano Geel oo Saafi ah’

Muqdisho (Himilonews) – Fogaan boqol mitir kuu jirta, waxaad ka maqli kartaa dhawaqa cod-baahiye si celcelis ah loogu tiraabayo oraahda “Waana Caano Geel oo Saafi ah.” Wax yar kadibna waxaa ku hor yimaada baabuur yar oo laba qofood: darawal iyo kaaliyihiisa shirka hore saaran—gadaalna ku xanbaarsan dhoomo yar yar oo caano, sida laguu sheegayba geel ah—dusha sare ee dhigahana surtay cod-baahiye la dama lana daarma furaha baabuurka.
Maalin walba, siiba galinka danbe iyo ilaa habeenkii ayay baabuurtani ka shaqeeyaan degmooyinka kala duwan ee Muqdisho. Adeeggooduna waa joogto. Waxayna bacooyin xirmoon oo caano ku jiraan ku iibiyaan qiimo kala duwan. Halka qofkii weel ula yimaadana ugu shubaan. Sidaas darteed, dad badan waxay la qabsadeen xiriirkooda. Hal-wareeggan ganacsi ee ugubka ku ah dadka caasimadda ku nool, waxaa xoogsatadiisa kamid ah Hiraabe Xasan. Kaligiisna ma ahan.
Waxaa shaqadan kula xoogsada dhalin-yaro badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo, inkasta oo ganacsigani howl badan yahay, hadana doorbiday inay ku noolaadaan wax kasoo saarkiisa.
“Shaqadani waxay ku dhalatay baahi laga arkay bulshadeenna,” ayuu yiri Hiraabe oo ah aabo 40-jir ah oo awoowe-nimo gaaray kaas oo xubin-shaqaaleed ka ah shirkadiisa caanateel. “Waana lama huraan inaynu u istaagno baahidooda.”
Hiraabe oo barqo kasta dhoomo caano danbar geel ahi lagu hubsaday kasoo qaada duleedyada Muqdisho—halkaas oo shirkado badan oo ka ganacsada iibka Caanaha Geela xarumo ka yeeshay, shaqadiisu waxay ku jirtaa inuu socdaalo. Toddobaadkiiba wuxuu celcelis ahaan shaqeeyaa shan maalmood oo kala durugsan. Ogaanshaha in shaqadani ay suuqa si kale ugu jirtay—oo dhedig u badan hooyooyin ay caanooleey ku qaateen ka ganacsiga caanood ee Geela, Lo’da iyo Ariga, Hiraabe bilowgii shaqadiisa, waxaa ku adkeyd inuu bulshada ka hantiyo kalsoonida heerka tayo ee adeeggiisa. Hayeeshe, wuxuu xal ka doonay meesha ugu fudud.
“Waxaan ugu horreynba macmiil karaadiyey dadka macrifadeyda ah iyo xigaaladayda,” ayuu yiri. “Markaas kadib ku qancidda adeeggeenna, waxay la wadaageen jaallayaashooda. Waana taas sababta ay howshani iigu fududaatay joogteynteeda,” ayuu sii raaciyay isaga oo qiray sida xifaalan ee ay bulshadu shaqadiisa ku qaabileen.
Tiiyoo ifafaalo wacan uu naftiisa iyo bulshadaba uga muujiyay doorka shaqo ee shirkadaha caanateellada, in marar uu hoygiisa u galbado iyada oo dhoomuhu wali caano-yar ku jiraan, waa mid kamid ah caqabado ku horgudban shaqadiisa. Waxaa kale oo jira caqabado si maalinle ah ugu foolan. Halkaas oo inuu harsado ay ku adag tahay: inuu gurigiisa si joogto ah hariimo ugu doontana waa malo ka fog maskaxdiisa.
“Inaan sidoo kale arko aniga oo xilli hore kasoo idlaaday shaqo-maalmeedkaygana, waa mid sidoo kale igu adag,” ayuu yiri isaga oo farta ku fiiqay in—wax aan ka aheyn dhac, uu si maalinle ah ula kulmo.
Balse marka loo eego tirada dadka kusoo biiraya adeeggiisa—oo sida uu tibaaxayo kordhaysa, caqadahani uma muuqdan kuwo ku hor gud banaan kara yoolkiisa. Yoolkiisuna kuma xadidna  meel hoose.
“Way adag tahay inaad u hakato ragaad kugu mirqa,” ayuu yiri. “Waxa kaliya ee aad heli karto waa inaad iska soo dhiraandhirido ragaadka deedna horay uga sii socoto,” ayuu sii raaciyay isaga oo tilmaamay in hal-curin kasta oo dalka lagu soo kordhiyo ay is-baddal ku yeelato nolosha qof isaga oo kale—shaqo aan fadhinin ku maareyn jirtay nolol-maalmeedkiisa.
Kobaca amni ee Muqdisho iyo doorka kala duwan ee bisleynta fikir ee qurba-joogta iyo iskaashatada, dad badan, sida Hiraabe, waxay fursad ka helaan inay naftooda kaga dabaraan ku noolaanshaha dal—dadkiisu ay ku har galaan wax ka yar hal doolar maalintii.
Sanadkii 2012-ka ayay aheyd markii ugu horreysay ee Muqdisho lagu arkay shirkado kala duwan oo iibiya caanaha Geela. Iilis, Noolis, Noomaal, Ila Cab, Soomaal, Iimaal iyo ereyo kale oo micno ahaan iskaba dhow ayay shirkadahan Caanateellada ah la baxeen. Iyaga oo markii hore lahaa xarumo ay uga soo hagaagaan maqaayadaha, hoteellada iyo munaasabadaha kale  ee xusaska iyo aroosyada, waxaa timid in bulshada qof iyo guri loo gaarsiiyo adeegyadooda. Waana taas markii ay timid fikradda hal-wareegga ganacsi ee bulshadu magac-dhebid ahaan ula baxday: Waa Caano Geel oo Saafi ah- inay dhalato. Waana Hiraabe dad uu kamid yahay kuwa qeyb ahaan noloshooda wax kaga badalay.
Sababta ugu weyn ee iibinta caanaha Geela, dad badan waxay dib ugu celiyaan dhaqashada xeesha dheer ee miyi-nimada dadkeenna iyo dhaxalka aan u leenahay hantida Geela ugu badan dunida oo dhulkeenna ku nool. Balse waxaa jirta kale sir kale oo ku sugan caanihiisa. Sida culimada caafimaadku tilmaamayaan, caanaha Geela waa cuno iyo cabitaan isku dhafan iyo dhinac kale kolka laga eego: sifeeyaha ama dacarfaalaha fadhiidka caloosha taas oo cudurro badan dhalisa. Tani waxaa maragteeda furaya Hiraabe oo sheegay in inta uu gaariga wado uu cunno iyo cabidba ka yeesho caano Geelka—marxalladda caafimaadkiisuna ay in badan hagaagsan tahay.
Waana sida loo batay doonista waxtarkiisa badan, waxa kallifay inaan in badan lasoo safrin caanaha Lo’da iyo Ariga, sida uu tilmaamayo Dr. Abdihakim Salad Nageeye oo barana ka ah jaamacadaha qaar ee dalka.
“Dadku badi uguma bukoodaan caanaha Geela sida kan Lo’da—oo ay badi ka qaadaan Tiifowga,” ayuu yiri Nageeye. “Waxayse ka helaan firfircooni, fiyoobi iyo fudeyd,” ayuu sii raaciyay isaga oo tilmaamay in hida-dhaqanka hal-jecleysi ee Geelana ay sidoo kale doonistiisa sara-dhigtay.
Hayeeshe, waa xadid la’aanta iyo dajinta shax dhaqaaleed isku dheelli-tira habka dhaqan-dhaqaale ee ganacsiga Soomaaliya waxa loodinaya hab-sami u socodkiisa.
Magaalada Muqdisho waxaa hadda—kadib dardartii xooganeyd ee shirkadihii Caanateelka bilaabay ay kusoo galeen suuqyada—si jaantaa rogan ah ula barbar shaqeeya shirkado kale oo suuqa lasoo galay. Aqoon-yahanno badan, sida Abdullahi Hassan Sheikh Ali, oo  bartay culuumta maamulka bulshada, waxay ka deyrinayaan halbeeg la’aanta hannaan sugan oo leh xad aan laga gudbin inay fashilin doonto ganacsi kasta oo bilowgiisa hore mira-dhal noqda.
“Hadaan xuduud loo dhigin is-barbar yaacista ganacsiyada la iskaga daba-daydo, waxaan arki doona badashada fashil ee hal-abuur kasta oo mira-dhala,” ayuu yiri Abdullahi. “Wasaaradda Maaliyadda iyo kuwa kale  ee u xil-saarani waa inay soo fara-galiyaan nidaam la’aantan.”
Sidaas darteed maxaa ganacsatada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ishkaashatooyinka caanateellada, la gudboon si ay macaash fadhiya iyo qiimo sugan uga helaan dhaqaalaheeda?
Dadka gudaha ku nool waxay qabaan in—isbarbar yaaca jira ee halbeeg la’aanta xadid ee ganacsiga Soomaaliya, sida beeca wareega ee iibka caanaha, ay dhib iyo dheefba ku qabaan.
Maxamed Maxamud, oo 50-jir ah, kaas oo rukun ka dhigtay iibsiga caanaha Geela ee la wareejiyo, wuxuu qabaa in—si kasta oo adeeggu u fududaado, aan hadana laga tallaabin xadka ay ku habboon yihiin.
“Inay noo sahlan tahay helidda caano saafi ah oo gurigaada kuugu yimaada, waa lama helaan qiimo badan,” ayuu yiri Maxamud oo aqoon-yahan wax bartay iyo ganacsadaba ah.”Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in xad loo yeelo heerka ay ku huban yihiin wax-galnimadooda.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan Muhumed ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!