crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayad lacag la’aan ay wax uga cuni karaan dadka Instagram-ka caanka ka ah! | HimiloNetwork

Maqaayad lacag la’aan ay wax uga cuni karaan dadka Instagram-ka caanka ka ah!

Milan (Himilonetwork) – Baraha Bulshadu waxay noqdeen bar kulan lama huraan ah soo jiidashada indhaha dadka kala duwan ee ku kulansan halkaas oo dad badan ay magac iyo maamuus ka sameeyaan. Balse, kiis gudihiis, tusaale ahaan, maqaayad ku taalla magaalada Milan ee dalka Talyaaniga waxay cunno fudud oo lacag la’aan siisaa dadka caanka ah ee instagram-ka ku leh followers badan. 
Matteo iyo Tomaso Pittarello, oo ah milkiilayaasha maqaayad la yiraahdo This Is Not a Sushibar ayaa aad ula socda saameynta xoogan oo instagramka uu ku dhex leeyahay dadweynaha u badan dhalinyarada. Waxayna quudda-reynayaan inay beddel isdhaafsi leh ka helaan dadka caanka ah oo ay ku xiran yihiin kumanaankun taageerayaal ah oo la socda sheekooyinka iyo muuqaallada ay soo dhigaan barahooda. 
Fikraddu waa mid iska fudud. Inta badan oo aad leedahay taageerayaal kugu xiran, waa inta ugu badan oo aad halkan ka heli karto cunnooyinka kuwooda ugu macaan oo aad jeceshahay in laguugu casuumo. 

Tiradu waxay ka bilaabataa 1,000 ilaa iyo wixii ka badan 200,000 oo qof inay kugu xiran yihiin si aad halkan uga noqoto qofkii looga baahnaa. Waxaana lagu kala dheer yahay hadba tirada la kala heysto. Tusaale ahaan, qofka heysta 2,000 ilaa 5,000 isku fursad iyo cunno ma ahan midka heysta tirada ka badan 100,000. 
Qofka caanka ah marka uu soo galo maqaayada wuxuu hashtag ahaan usoo qorayaa ‘waxaan ku suganahay maqaayadda Shushi’ si ay taageerayaashiisu ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa. Si fudud, fikraddani waxaa ka danbeysa nuuca xayaysiis ah oo dadkan caanka ahi u sameynayaan maqaayadda. 
“Maanta inaad isku xayaysiiso baraha bulshada waa habka ugu fiican,” ayay wadajir u yiraahdeen milkiilayaasha maqaayadda. 
Hayeeshe, cabsida jirta ayaa ah haddii aad sare loo dhigan halbeegga tirada taageerayaasha ku xiran dadkan caanka ah waxaa imaan doonta in qofkii 1,000 qof soo following-gareysaba inuu kolkiisa cunno free ah usoo raadsado maqaayadda. 

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!