55-jirkan wuxuu ku dhashay xanuun indhaha kaas oo isha bidix ka naafeeyey. Kadibna sanadkii 2000, shil uu ku galay shaqadiisa, wuxuu hadana ka naafoobay isha bidix.
Mr. Wenqi, oo sidoo kale 55 jir ah, wuxuu waayay labadiisa gacmood markii uu saddex sano jir ahaa.
Sanadkii 2001, helid la’aanta meel kale oo ay ka shaqeystaan, samata-bixiyaasha deegaanka waxay heshiis dowladda kula galeen dhul ballaaran oo daanta webiga dhaca inay jiilka soo socda ugu beeraan geedo ay ku nastaan.
Waxay sidoo kale ku hanweynaayeen inay lacag kaga helaan dowladda mashruucaas lagu noolaynayo; laguna ilaalinayo in xaafaduhu aysan ku fatahin biyaha webiga xilliyada ay dhacaan daadadka culus.
Maalin kasta labada naf-hurayaal waxay ka jarmaadaan guryahooda 7 am – iyaga oo ku qalabaysan yaanbo iyo xarig iron ah.
Waase Mr Wenqi midka ay shaqadiisa tahay waraabinta iyo rushaynta abuurka. Wuxuuna ku qabtaa lugihiisa.
Ma ahayn howl-gal aad u degdeg badan, hayeeshe hadda saddexdii hectare, waxaa ku cammiran geedo badan kuwaas oo soo jiita indhaha shinbiro kala jaadad ah.
Wadarta geedaha ay wadajirka ku abuureen muddo 10 sano ah waxay ka badan tahay 10,000. Mana jiro qoshe dhow iyo mid fog oo ay ku doonayaan joojinta mashruuca.
“In kasta oo aan in badan ku guuleysanin dhowr sano, hadana waan garwaaqsannahay dadaalkeenna,” ayuu yiri Mr Haixia.
Mr Wenqi ayaa kusii daray: “Waxaan isku taagnay cagaheenna. Miraha dhididkeennu wuxuu u dhadhamayaa macaan. In kasta oo aan ku jirno halgan adag, waxaan nabad ka dareemaynaa qalbiyada.”