crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Taageere Liverpool: ‘Mo Salah wuu i muslimin doonaa’ | HimiloNetwork

Taageere Liverpool: ‘Mo Salah wuu i muslimin doonaa’

Liverpool (Himilonews) – Taageere Liverpool ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in saxiixa cusub ee naadiga, Mohamed Salah uu yahay laacib iyo shaqsiyad weyn kaas oo isaga muslimin doona.
‘Wuxuu iga dhigi doonaa Muslim,” taageere Carson Coffied, ayaa kusoo warceliyay qoraal barta kooxda lagu daabacay.
Qoraal waxaa loo dhigay in loogu dabaal-dego goolka laacibka reer Masar uu ka dhaliyay Bayern Munich, oo ah kiisii afaraad taniyo markii uu kusoo biiray naadiga Liverpool.
Laacibka ayaa caadiyan sujuuda marka uu gool dhaliyo.
Hadalkiisa ayaa helay in ka badan 1900 likes waxaana dib loo twitter-gareeyey 1500 jeer.
Wuxuu sidoo kale helay in ka badan 157 faallo ama fal-celin laga dhiibtay aragtidiisa.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!