crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Samafalaha u istaagay Samata-bixinta Eeyaha Dayacan iyo Kuwa Dhaawacan! | HimiloNetwork

La kulan – Samafalaha u istaagay Samata-bixinta Eeyaha Dayacan iyo Kuwa Dhaawacan!

MUQDISHO (Himilonetwork) – Edgardo “Perros” Zuniga wuxuu ku safray gebi ahaan dalka Mexico isaga oo samata-bixinaya eeyaha dayacan; iyo kuwa dhaawacan; una fidinaya daryeel iyo gabaad. Wuxuu ilaa hadda soo samata-bixiyay 400 oo ey shantii sano ee lasoo dhaafay.
Sannadkii 2013-ka, markii uu samafalkan bilaabayay, waxaa ka go’neyd inuu soo badbaadiyo eeyaha dhiban iyo kuwa dayacan inta karaankiisa ah. Shantii sano ee lasoo dhaafay wuxuu ku safray 14 gobal oo kamid ah Mexico soona badbaadiyay 400 oo eeyo ah. Qaarkood ayaa ku sugnaa xaalad naf-la-caari ah. Wuxuu markaas dadaal u galaa inay soo kabtaan; wuuna quudiyaa; daweeyaa; kaddibna siiyaa farxadda iyo ilaalada ay u baahan yihiin. Wuxuu inta badan la safraa tiro eeyaha kamid ah si uu u muujiyo farriinta uu u nool yahay inuu gudbiyo – xaqdhowrka noolaha.
Hadda wuxuu kasbaday qalbiyada dadweynaha. Waxaana la jecelyahay in lala wadaago xogaha eeyaha dayacan ama lagu soo simo kuwa dhiban ee gargaarka u baahan.
Hadafka noloshiisa wuxuu kusoo koobay badbaadinta nolosha eeyaha dayacan iyo kuwa liita nolol ahaan. 49-jirkan wuxuu og yahay inuu dad badan ay doorbidaan in samafalkooda ay ku bixiyaan meelaha kale sida daryeelka aadanaha. Balse, isaga ahaan, wuxuu isku heystaa nin kasoo dhex baxay duni dadka wanaagsan aysan fiiradii loo baahnaa ku eegin noolaha siiba eeyaha.
Waana sababta uu u aaminsan yahay in shaqadiisu tahay mid gaaroodi ah.
“Waqti noogama tagin wali inaan wax fiican sameyno. dhib malahan wixii aan horay usoo sameynay,” ayuu yiri Edgardo. “Haddii noolahani u baahan kaalmadeenna, waa qasab inaan siino gargaarka iyo daryeelka ay nooga baahan yihiin.”
Muuqaalka sheekadiisa oo ku baahday baraha bulshada Mexico ayaa ka kaalmeysa inuu helo deeqo uu ku maareeyo samafalkiisa. Balse cidna ma weydiiyo inay la caawiyaan eeyaha dhiban.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!