La kulan – 12-jirka Maamule iyo Macalinba ka ah Dugsiga uu aas-aasay!
Posted by: Himilo
in Wararka
December 18, 2018
579 Views
MUQDISHO (Himilonetwork) – Leonardo Nicanor Quinteros waa 12 jir wali ku jira wax-barashada dugsiga sare. Wuxuuna goor hore awooday inuu furto iskuulkiisa gaarka si uu carruurta kale iyo dadka waaweyn uga caawiyo tacliinta.
Wuxuu jecel yahay wax-barashada iyo inuu la wadaago asaagiisa ka hooseeya. Kaddib markii uu u kuur-galay in carruur badan oo saaxiibadiis ah inaysan la qabsan wax-barashada iyo in kale oo waqti badan ku lumiya ciyaaraha – iyaga oo dayacaya wax-barashadooda, wuxuu go’aansaday inuu wax ka qabto. Sannadkii hore, wuxuu ayeeyadiis oo lagu magacaabo Ramona weydiistay in dhabarka dambe ee gurigooda ay uga dhisto qol uu ardayda wax ugu dhigo gudaha Las Piedritas, oo ku dhegan San Juan, dalka Argentine.
Way u fulisay doonistiisa. Maantana, iskuulkiisa oo lagu dhigto lacag la’aan, waxaa ku sugan 40 arday.
12-jirkan ayaana isku ah macalin iyo maamule labadaba. Wuxuuna ku faraxsan yahay in tallaabtiisu ay soo muujinayso is-beddel bulsho oo hir-galaya.
Muuqaalka iskuulkiisu aad uguma eka iskuullada kale, laakiin kaalmada uga imaanaysa jaarkiisa oo hadda la dhacsan doorka uu ciyaarayo ayaa dugsigiisa ka dhigaya mid soo muuqanaya. Wuxuu leeyahay dhammaan agabyada loo adeegsado wax-barashada iskuullada sida maktabad, sabuurado, iyo ganbaleel ardayda loogu tilmaamo is-beddelka xiisadaha fasalka.
Waxaa intaas dheer, kahor bilaabashada darsiga maalinlaha ah, waxaa sida iskuullada kale laga qaadaa heesta qaranka Argentine.
Hayeeshe waxa soo jiidashada u yeelaya iskuulka Leonardo Nicanor Quinteros waa tayada wax-barashada ka jirta iyo sida ay uga go’an tahay inuu soo saaro jiil waxtar leh. Mana ahan shaqsi cudurdaar badan. Xittaa marka ay timaado xaalad hakad gelin karta shaqadiisa maalinlaha ah, wuxuu isku dayaa inuu kasoo gudbo. Wuxuuna leeyahay baaskiilkiisa gaarka ah kaas oo mar allaale marka uu kasoo baxo wax-barashadiisa dugsiga sare uu toos ugu soo aado middiisa macalinnimada.
Mararka qaar marka ardaydu aysan awoodi karin inay soo xaadiraan xiisooyinka qaar, wuxuu fursad siiyaa habeenkii si aysan u lumin darsiga maalin dhaafa.
“Kama baaqdo iskuulka, waa inan cajiib ah,” ayay tiri ayeydiis Ramona.
In kasta oo carruurta dhigata fasalkiisa ay da’ ahaan isaga ka yar yihiin, haddana waxaa jira in kale oo ka fil weyn kuwaas oo wax ka barta. Carruur badan ayaa hadda faa’iido muuqata ka helay dhigashada iskuulkiisa.
“Wuxuu iga caawiyay inaan ku baaso imtixaanka, waxaana hadda aan u gudbayaa fasalka saddexaad,” ayuu yiri mid kamid ah ardaydiisa.
Sheekada Leonardo Nicanor Quintero waxay qabsatay guud ahaanba dalka Argentine. Waxaana uu dhiirri-geliye u noqday malaayiin kale oo daawaday.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2018-12-18
You must log in to post a comment.