crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muuqaalka Wiilkii lagu wareeray Labnimadiisa. | HimiloNetwork

Muuqaalka Wiilkii lagu wareeray Labnimadiisa.

MUQDISHO (Himilonetwork) – Abdussalam Firdaus Abdul Aziz, oo ah 22-jir ku nool dalka Malaysia ayaa mashquuliyay dareenka baraha bulshada dalkiisa maadaama lagu jaah-wareeray muuqiisa u eg midka haweenka taas oo ku adag dadka inay kala saaraan haddii uu yahay lab ama dhedig.
Sawirradiisa ayaa dhawaanahan ku baahay baraha bulshada kaddib markii lasoo weriyay in mar uu ka qeyb-galay daawashada ciyaar kubadda cagta ah la su’aalay inuu lasoo baxo summad-qofeedkiisa. Waayo ilaalada goobta oo ahaa rag, waxay diideen inay gacmahooda ku baaraan iyaga oo moodaya inuu yahay gabar.
“Booliska way iga diideen inaan ku iraahdo; waxaan ahay nin. Waxayna i weydiiyeen inaan soo bixiyo summad-qofeedkayga,” ayuu 22-jirkan u sheegay warbaahinta. “Marka si la ii baaro waxaa ku adkaatay dhankii ay ii diri lahaayeen – qeybta dumarka mise kuwa ragga si la ii baaro.”
Wuxuu tiro dhowr jeer ah isku dayay inuu koriyo timaha garkiisa iyo dhismaha jirkiisa. Balse kuwaasi mawada noqon kuwo guul ugu dhammaaday. Hadda wuxuu isku dayayaa inuu sii dhiso jirkiisa si uu u muujiyo labnimadiisa iyo inuusan mar danbe u baahan in lagu qaldo muuqaal haween.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!