crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ninka Baadi-goobka ugu jira Gabadhii uu ku riyooday! | HimiloNetwork

La kulan – Ninka Baadi-goobka ugu jira Gabadhii uu ku riyooday!

MUQDISHO (Himilonetwork) – Nin Shiinees ah ayaa qabsaday warbaahinta Shiinaha kaddib markii la sheegay in muddo 50 maalmood ah uu dukaan iibiya buugaagta ku sugayay gabar uu sheedda ka jeclaaday hadda kahor oo halkan uu ku arkay.
Ninkan oo 26 jir ah ayaa aamisan in gabadha uu halkan ku arkay ay tahay isla gabadhii uu ku riyoon jiray. Wuxuuna la kulankeeda awgeed uga soo tagay shaqadiisa. Wuxuu laga bilaabo 11am ilaa 7pm uu maalin walba ku sugnaa dukaanka.
Si xittaa ay ugu fududaato inuu helo wuxuu sawirkeeda oo farshaxan ah la wadaagay macmiisha goobtan soo booqda. Markii si kastaba ay ku adkaatay inuu helo, ninkan oo lagu magacaabo Sun wuxuu isku dayay inuu niyad-jabka uu ka qaaday maqnaanshaheeda u gudbiyo booliska. Balse nasiib-darro ma aqoon magaceeda.
Sun wuxuu dhawaan warbaahinta u sheegay in hadda kahor uu ku riyooday isaga oo gabar kula kulmaya isla goobtan; kaddibna jeclaanaya. Wuxuu sheegay inay jirto gabar xiriir jaceyl usoo ban-dhigtay balse uu ku gacan-seyray maadaama uu jeclaaday inantii uu riyada ku arkay.
In kasta oo wax ka dheer sheedda in la iska arko aysan wadaagin isaga iyo gabadhii uu halkan kula kulmay, haddana Sun wuxuu maalintaas kaddib ka joogi waayay humaageeda. Waana markaas kolkii uu kasoo ruqseystay shaqadiisa si uu u baadi-goobo gabadhii riyadiisa.
Hadda 26-jirkan wuxuu ku nool yahay shaxaadka uu ka helo saaxiibadiisa. Balse wuxuu sheegay inuusan marnaba ka qoomameynin go’aankii uu kaga soo dhaqaaqay shaqadiisa.
“Waxaad lacagta u raadisaa si aad qoyskaada ugu biisho, balse marba haddii aadan laheyn lammaane nololeed, waa maxay faa’iidada ku jirta?” ayuu is weydiiyay.
Hadda waxaa ka go’an inuu wali sii raadiyo. Balse wuxuu isku dayayaa inuu maqnaanshaheeda kaga dacwoodo maxkamadda. Waxaase lagu diiday kiiska maadaama qofka uu dacwada ku oogayo uusan aqoonin magaceeda.
Sheekadiisa oo ku baahday baraha bulshada ayaa la timid falanqeyn kala duwan oo laga bixiyay. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay nin riyoonaya oo aan wali soo baraarugin.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!