crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhalinyarada Jirka Shaabadeysta oo laga caawinayo in laga fujiyo haddii ay xifdiyaan Suuratu Ar-Rahman. | HimiloNetwork

Dhalinyarada Jirka Shaabadeysta oo laga caawinayo in laga fujiyo haddii ay xifdiyaan Suuratu Ar-Rahman.

TANGERANG, Indonesia (Himilonetwork) – Si loogu caawiyo inay Alle ugu dhawaadaan, xarun caafimaad oo ku taalla Induniisiya ayaa dhalinyarada qaba shaabadda jirka ama ‘tattoo’-ga ka xuub-ridaysa oogadooda; laakiin shardi kaliya ayaa looga baahan yahay – inay xifdiyaan Suuratul Ar-Rahman oo ah suuradda 55aad ee Qur’anka.
Taufiq Hidayat wuxuu kamid yahay dhalinyarada korkooda laga diirayo shaabadaha ku dhagan. Wuxuu sheegay in – marwalba oo laga diiro shaabad korkiisa meel kamid ah ku dhagan – uu Eebe ugu dhawaado mahad-celin.
Hidayat wuxuu sheegay inuu shaabadda ku qortay jirkiisa xilli uu kamid ahaa burcad xaafadeed oo dadka dhici jirtay.
“Hadda alxamdullilah, waxaan noqday aabbe xaasle ah. Marwalbana waxaa arkaa gabadhayda oo jecel inay jirkeeda ku dhejisato shaabadaha, kolka aan ku iraahdo iska dhaaf kuuma wanaagsana, waxay igu dhahaa; balse aabbe adiguba way kugu qoran tahaye maxaad iigu diidaysaa,” ayuu yiri isaga oo ilmeynaya.
Hidayat wuxuu kamid yahay kumaankun qofood oo iska diiwaan-geliyay in laga diiro shaabadaha ku dhagan jirkooda. Ilaa iyo hadda 200 oo qof ayaa lagu guuleystay in laga fujiyo shaabadaha. Howshuna way fari kama qodna.
Geyfane bulsho, Ahmad Zaki, wuxuu fursad ugu deeqay dhalinyarada Muslimiinta ah ee jecel inay dib Ilaahay ugu soo laabtaan.
Isaga iyo saaxiibkiis Rizki Sari, oo ah dhaqtar ay carruurnimadoodii isla dhigan jireen iskuulka ayaa u bannaan baxay inay iska soo ururiyaan adduun dhan 8,000$ si loogu soo iibiyo lesser lagu fujiyo shaabadaha jirka ku dhagan.
Warka rugtan ayaa ku baahay guud ahaan gobalka. Waxaa hadda looga kala imaanaya cirifyadeeda.
In qofka laga fujiyo shaabadda ku dhagsan, waxay runtii u noqoneysaa bilow cusub oo nolol ah, marka loo eego geyfanayaasha.
“Markaan dhinto waxaan rabaa inaan helo ruux nadiif ah,” ayuu yiri Fuad Ahmedi kaas oo sugitaan dheer kaddib laga lagu guuleystay howshiisa.
“Ilaahay wuxuu i siiyay jir qurux badan. Aniga ayaase iskaga ciyaaray.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!