Hidayat wuxuu kamid yahay kumaankun qofood oo iska diiwaan-geliyay in laga diiro shaabadaha ku dhagan jirkooda. Ilaa iyo hadda 200 oo qof ayaa lagu guuleystay in laga fujiyo shaabadaha. Howshuna way fari kama qodna.
Geyfane bulsho, Ahmad Zaki, wuxuu fursad ugu deeqay dhalinyarada Muslimiinta ah ee jecel inay dib Ilaahay ugu soo laabtaan.
Isaga iyo saaxiibkiis Rizki Sari, oo ah dhaqtar ay carruurnimadoodii isla dhigan jireen iskuulka ayaa u bannaan baxay inay iska soo ururiyaan adduun dhan 8,000$ si loogu soo iibiyo lesser lagu fujiyo shaabadaha jirka ku dhagan.
Warka rugtan ayaa ku baahay guud ahaan gobalka. Waxaa hadda looga kala imaanaya cirifyadeeda.
In qofka laga fujiyo shaabadda ku dhagsan, waxay runtii u noqoneysaa bilow cusub oo nolol ah, marka loo eego geyfanayaasha.