Xaramka oo lagu soo kordhinayo Farta Indhoolayaasha oo Qur’anka lagu qoray!
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
December 18, 2018
1,549 Views
MUQDISHO (Himilonetwork) – Xajka iyo Cumrada hadda waxay sahal u yihiin qof walba oo Muslim ah kaas oo gaari kara magaalada Makka – xittaa kuwa naafada ka ah aragga iyo addimada. Mahad waxaa laga celin karaa soo kordhinta farta indhoolayaashu wax ku aqristaan iyo gaadiidka lagu qaado dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay acmaasha xajka sahal ugu gutaan.
Saraakiisha labada Xarameyn ayaa dadka baahiyaha gaarka ah la nool ku tilmaamay kuwa mudan dhiirri-gelin – ahna awood nool oo u baahan maal-gelin. Marka si loogu sahlo adeegyada laga hayo gudaha Xaramka, waa qasab inaan gadaal looga tegin.
Farta Braille oo ah qoraal wax loogu dhigo dadka aragga la’ ayaa hadda u sahlaya xujeyda qabta baahida aragga inay si fudud ku aqrisan karaan Qur’anka. Nuqullada badan oo laga sameeyey fartan ayaa ku baahsan dhammaanba Xaramka. Waxaana jira howl-wadeenno gaar ah oo ku saacidaya inay fahmaan sida fartan wax loogu aqristo. Waxa kale oo jira sameecadaha maqalka oo loo xirayo kuwa maqalkoodu liito.
Adeegyada kale waxaa ku jira gaadiidka cuuryaamada kaas oo si casri ah loogu qalabeeyey dadka naafada ah iyo sidoo kale astaamo iyo ishaaraat loo sameeyey dadka dhagoollada ah si aanay ugu dhex lumin gudaha Xaramka.
Ahmed Badawi, oo kamid ah xujey ka timid Masar ayaa sheegay inuusan fileyn adeegyadan oo kale inuu ku heli doono gudaha Xaramka.
Related
2018-12-18
You must log in to post a comment.