59 Qof oo Marqura qaatay Islaamka gudaha Filibiin.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
December 18, 2018
405 Views
CEBU (Himilonetwork) – Ku dhawaad 59 u dhashay dalka Filibiin ayaa qaatay diinta Islaamka kaddib markii ay ku qanceen dacwada ay dhawaanahaan ka wadaan gudaha dalkaasi hey’adda (IERA) oo fadhigeedu yahay UK.
Xaafadda Tingtingon oo kamida degmada Cebu ayaa waxaa iskugu soo baxay dadweyne badan si ay u dhageystaan muxaadaro uu jeedinayay Sheikh Abu Bakr Arabi taas oo loogu magac-daray ‘Sababta Islaamku u yahay diin Alle doortay?’.
Kaddib muxaadarada waxaa xigay dhacdo qiira leh oo ah in 59 kamid ah dadweynihii goobta iskugu yimid ay qaateen diinta Islaamka.
Qeyb kamid ah Ol’olaha Baahinta Farriinta Islaamka ayaa ah in dadka aan Muslimiinta ahayn loogu yeero ‘jiritaanka xaqiiqda nolosha iyo xiriirka Islaamka la leeyahay diimaha Samaawiga ah.
Bishii hore dhammaadkeeda ayay ahayd markii sidan oo kale xaafad dhan oo kamid ah dalka Filibiin ay qaateen diinta Islaamka.
Dalka Masiixiyadda u badan ee Filibiin waxaa ku nool Muslimiin gaaraysa 8%. Waxayna inta badan ku nool yihiin gobalka Mandinao.
Islaamka ayaa soo gaaray dalka Filibiin kahor diinta Masiixiyadda.
Related
2018-12-18
You must log in to post a comment.