crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Gabadha aan muuqaalkeedu is-beddelin muddo 20 sano ah! | HimiloNetwork

La kulan – Gabadha aan muuqaalkeedu is-beddelin muddo 20 sano ah!

MUQDISHO (Himilonetwork) – Yang Dan, oo ah 44-jir muddo 22 sano ah ka shaqeynaysa qeybta saadaasha hawada ee fogaan-aragga Shiinaha ee CCTV waxay noqotay fil-walba-la-fac aan in yar oo da’ ah aysan maalin kasoo muuqan wajigeeda.
Yang waxay aad muuqaalkeeda ugu soo jiidatay indhaha daawadayaasha, kaddib markii soo-saarayaasha ay sii daayeen fiidiyow isku dhaf ah oo laga diyaariyay taniyo markii ay shaqada soo gashay sannadkii 1996-kii. Waxaana lagu soo beegay Maalinta Caalamiga ee Haweenka. Qof walba oo daawaday wuxuu ugu yeeray ‘ageless god’ ama ‘mucjisada aan gaboobin’.
Inaad daawato fiidiyowga waxay dhabtii ku tusinaysaa sida muuqata oo Yang aysan isku beddelin muddada 22-ka sano ah oo ay halkan ka shaqeyneyso.
Walina waa sida iyada oo jirta da’da 22 jirka oo ay shaqadan ku bilowday.
Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay kaddib daawashada muuqaalkeeda. Qaar ayaaba rumeysan waayay inay tahay isla qofka laga hadlayo.
“Maangal ma ahan in muddo 20 sano ah aysan is-beddelin,” ayuu soo qoray mid kamid ah dadkii daawaday.
“Muuqaalkeedii shalay iyo kan maanta intuba waa qurux badan tahay, waxaana jira farqi 20 sano ah,” mid kale ayaa soo raaciyay.
Qaar ayaa, si kaftan-dhable ah, ugu eedeeyey waaxda wax-soo-saarka tiifiiga in muuqaallada Yang la wada duubay isla maalin qura oo aysan suura-gal ahayn inay wajigaas iyo muuqaalkeeda is yeeshaan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!