crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Horumarka ka jira Xirfadda Dawaarle-nimada. | HimiloNetwork

Horumarka ka jira Xirfadda Dawaarle-nimada.

MUQDISHO (HN) — Abduqaadir Ibraahim waa dawaarle. Laakiin habka tolliinka dharka ee harqaankiisu ma ahan qadiimi. Waa qaab casri ah.

“Waxaan isticmaalaa koronto,” ayuu yiri Abduqaadir oo ku jira da’diisa 30-meeyada. “Muddo dheer ayaan bilownay kaddib markii aan aragnay wax-soo-saarkiisu inuu sahlan yahay.”

Kaligiis kuma ahan dadka adeegsanaya qaabkan casriga ee toliinka harqaanka. Waxaa jira kumaankun lamid ah oo usoo guuray habka fudud ee toliinka.

Iyada oo la adeegsanayo koronto sida idin muuqata lagu rakibayo giraangirta harqaanka, waxaa qeybta hoose ee markii hore lagu badeeleyn jiray labada lugood shaqadeeda qabanaya fiilo korontada aad u jeedaan oo aad uga xawli badan marka lala barbardhigo in labada lugood loo adeegsado.

Kasokow la-qabsiga qaab adeegsiga korontada, muxuu qeyb ahaan kaga duwan yahay sidii hore ee lagu toil jiray harqaanka?

“Degdeg-siimada iyo fududeynta shaqooyinka kahor inta aysan isku kulmin,” ayuu yiri – isaga oo intaas kusii daray in waagii hore shaqadii laga heyn jiray harqaanka mid aan uga badan lagu qabto.

Halkan Abduqaadir uu goor hore lasii qabsaday adeegsiga korontada, waxaa jira in kale oo wali ku nool habkii hore ee toliinka.

Aweys Abdow ayaana kamid ah.

Isaga oo kaashanaya war-celin cilmiyeysan, Aweys wuxuu ku doodi karaa in habkii hore uu aad uga fiican yahay midka maanta.

“Waxaa ku jira caafimaad. Marwalba oo aad lugaha ka shaqeysiiso waa mar kasta oo xubnaha jirkaada ay helaan firfircooni iyo daal-tirasho. Waa sida adigoo qaadanaya aalamiito,” ayuu yiri.

“Waayo xubin walba oo jirkaada katirsan way howshoon tahay.”

In la adeegsado korontada kasokow inay fududeyn karto shaqada toliinka, miyaanay lacag adag ku kordhineyn biilka korontada?

“Waxa naga soo galaya haddii ay ka badan yihiin qarashka nooga baxaya biilka korontada, waa qasab inaan adeegsanno,” ayuu Abduqaadir ku ayyidayaa aragtidiisa.

Aweys ayaan weydiiyay hadddii uu qorsheynayo la qabsiga habka adeegsiga korontada.

“La-qabsiga korontada waa tallaabta labaad marka qofku taf ku noqdo aas-aaska xirfadda toliinka,” ayuu yiri. “Dabcanna, haddii loo baahdo in la adeegsado waxaa ku lumi kara lacag adag. Marka waxaa ila habboon inaan xoogayga ku raadiyo caafimaad iyo lacag oo aan ka maarmo koronto.”

In la isku dhinac adeegsado korontada iyo lug-ku-badeeleynta, waxay dawaarlayaal badan siinaysaa fursad ay ku abuuraan lacag iyo macmiil badan.

Qore: Maxamed Qadar Abdi.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!