crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 9

Wararka

Molar City – Magaalada ugu badan oo xarumaha daweynta ilkaha ay ka furan yihiin.

MUQDISHO (HN) — Los Algodones oo ah magaalo yar oo Mexico ku taal oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 7,000 waxay leedahay xarumaha ugu badan oo lagu daweeyo ilkaha. Waxaana loogu yeeraa magaalada Gowsaha. Boqolaal dadyow Maraykanka ah ayaa booqda sannad kasta laakiin uma yimaadaan inay ku dalxiisaan xeebaheeda, waxay usoo raadsadaan ilko qurxin, kabid iyo wixii la halmaala. ...

Read More »

Sułoszowa – Xaafadda hal waddo dhinacyadeeda looga nool yahay!

MUQDISHO (HN) — Sułoszowa, oo ah xaafad ku taalla Poland – oo dhacda meel godan ah oo ay kuy nool yihiin dad gaaraya 6,000 ayaa waxaa loo bixiyay Little Tuscany. Muddo fog ayay dhisan tahay magaaladan, laakiin dhawaan ayay qabsatay hadalheynta iyo indhaha bulshada kadib markii muuqaal laga duubay uu aad ugu dhex baahay baraha bulshada, dad badan ayaa la-yaabay sida ...

Read More »

Ninka doonaya inuu dhisto guri u eg Markabka Titanic.

MUQDISHO (HN) — Nin beeralay ah oo ku nool gobalka West Bengal ee dalka Hindiya ayaa ka shaqeynayay mashruuc uu ku dhisanayo guri u eg markabtii aasmay ee titanic kaas oo laga sameeyey filim caan baxay sannadkii 2000. Mintu Roy, wuxuu weligiisba ku riyoon jirtay inuu dhisto guri u eg markabkaas. Beri isaga oo yar ay ishiisu qabatay dhismo weyn oo ...

Read More »

Sheekada 11 jirka – si uu go’aankiisa ugu adkeysto – safar baaskiil ah kusoo bixiyay 130 km.

MUQDISHO (HN) — Saxaafadda Shiinaha ayaa tebinaysa sheekada wiil 11 jir ah oo safar 130 km baaskiil uga soo baxay magaaladii uu joogay muddo 24 saacadood ah si uu ugu yimaado ayeeyadiis oo degan degaan kale. Wiilkan oo ku nool Hangzhou, gobalka Zhejiang wuxuu kusoo dhacay baaskiilkiisa si uu u yimaado guriga abootadiisa kaddib markii ay hooyadiis aad u canaanatay. ...

Read More »

Haweeney 500 oo maalmood ku dhex nooleyd GOD 70 mitir Dhulka hoostiisa ah!

MUQDISHO (HN) — Haweeney Spain u dhalatay ayaa muddo 500 oo maalmood oo xiriir ah keligeed ku dhex nooleyd god gaar ah: bilowgii 2021 ayay u baxday safar dhulka hoostiisa ah. Waqtigaas dunida waxaa ka jiray Covid-19, Ruushkuna weli kuma uusan duulin Ukrayn. Falmini waxay ahayd 48 jir markii ay godka u dhaadhacday, hadda waxay kasoo baxday iyada oo 50 jir ...

Read More »

Warqad furan oo ku socta Duqa Caasimadda: Guddoomiye Madaale.

MUQDISHO (HN) — Guddoomiyaha Gobalka Banaadir – ahna Duqa Muqdisho – iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan ogeysiiyo in muddo toddobo bilood ah oo aan habeen iyo dharaar – gabaldhac iyo waaberi – aan iskaga daba noqonayay xafiisyada heer degmo, mid gobol iyo mid qaran aniga oo dalbanaya caddaalad, inaan weli helin cadaaladdii aan u baahnaa. Farriintanna waxaan gaar ugu ...

Read More »

Waalid hadyad ahaan gabadhooda u siinaya Gaari nuuca Mercedes SUV.

MUQDISHO (HN) — Baraha Malaysia waxaa qabsaday lammaanayaal maalqabeenno ah oo inantooda u iibiyay gaari nuuca Mercedes SUV si ugu dhiirri-geliyaan inay iskuulka aado. Bilowgii bishan, haweeney maalqabeen ah oo la yiraahdo Farhana Zahra waxay soo dhigtay muuqaal ay inanteeda shan jirta ah ku weydiinayso hadyad ahaan inay usoo iibiso maalinta dhalashadeeda, waxayna inanta yar ku warcelinaysaa inay doonayso middood ...

Read More »

21 Saacadood ayuu ‘Jilbaha dhulka u dhigtay’ si ay Jaceylkiisa ugu soo noqoto!

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay Shiinaha oo ku nool gobalka Sichuan ayaa lagu soo warramayaa inuu jilbaha dhulka dhigtay muddo 21 saacadood oo xiriir ah si uu jaceylkiisa hore uga dhaadhiciyo inay dib u midoobaan. Dhibanahan jaceyl ayaa qabsaday hadalheynta baraha Shiinaha kadib markii jilba-jabsigii uu bilaabay saacaddu markay ahayd 1 pm March 28 uu ka kacay 10 am maalintii ...

Read More »

La kulan – Ninka gaariga ‘kula safra’ Kolonyo Shinni ah.

MUQDISHO (HN) — Shinnida waxaa loo arkaa nasiib ma la arag ah gudaha Shiinaha waana sababta ninkan aad u jeedaan uu u doortay inay la qeybsadaan gaarigiisa markii ay ka dhex sameysatay goob ay ku hoyato. Muuqaalka ninkan oo aad ugu baahay baraha bulshada Shiinaha ayaa la arkayaa isaga oo kaxaynaya gaarigiisa oo madaxiisa korkiisa ay ku urursan yihiin kolonyo ...

Read More »

Sababta uu Dukaanlahan u gubay buugga deymaha ee macaamiishiisa

MUQDISHO (HN) — Nin dukaanle ah oo ka soo jeeda magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq ayaa macaamiishiisa ka yaabiyay kaddib markii uu gubay buugga liiska magacyada dadkii uu deynta ku lahaa ka hor inta aan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadaan. Sharci-yaqaanka iyo milkiilaha dukaanka Moayad Al-Mozan ayaa ku daabacay bartiisa Facebook-ga – laba sawir oo laga qaaday xilli uu ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!