crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninka doonaya inuu dhisto guri u eg Markabka Titanic. | HimiloNetwork

Ninka doonaya inuu dhisto guri u eg Markabka Titanic.

MUQDISHO (HN) — Nin beeralay ah oo ku nool gobalka West Bengal ee dalka Hindiya ayaa ka shaqeynayay mashruuc uu ku dhisanayo guri u eg markabtii aasmay ee titanic kaas oo laga sameeyey filim caan baxay sannadkii 2000.

Mintu Roy, wuxuu weligiisba ku riyoon jirtay inuu dhisto guri u eg markabkaas. Beri isaga oo yar ay ishiisu qabatay dhismo weyn oo loo ekeysiiyay markabka Titanic ilaa uu kasoo qaangaarayay wuxuu la nool aragtidaas. Wuxuuna go’aansaday inuu naftiisa u dhiso aqal sidaas oo kale ah. Maanta oo 52 jir yahay, weli wuxuu ku howlan yahay siduu mashruucaas u hirgelin lahaa.

“Taniyo muggaan yaraa siiba maaliintii koowaad oo aan arkay muuqaalka markabka Titanic wax u eg ayaan jecleystay inaan dhisan lahaa mustaqbalka,” ayuu yiri.

Roy markii uu shaqooyin kasoo waayay magaalooyinka waaweyn, wuxuu go’aansaday inuu guriyeysto degmadii uu ku dhashay, wuxuuna hadda ka shaqeynaya mashruuca dhismaha gurigiisa u eg markabka Titanic. Waxaase ku adkeyd hadiyo jeer heliddii injineerradii la qaabeyn lahaa mashruuciisa. Qaar badan oo injineerrada kamid ah ma rumeysan aragtidiisa iyo yoolkiisa. Qaarkoodna waxay ku xujeeyeen lacago fara badan. Waana markii uu go’aansaday inuu isagu iskiisa u dhisto gurigiisa.

Dalka Nepal ayuu u aaday si uu cilmiga dhismaha uga soo barto. Hadda wuxuu dhismaha ku guda-jiraa muddo 13 sannadood ah, in kasta oo qarashku ku adkaaday, haddana wuxuu quudaraynayaa inuu goor dhow kasoo fara xasho. Hankiisuna waa inuu gurigaas u eg markabkii quusay ee Titanic uu maalin qoyskiisa kula dhex noolaado.

“Adduun lagu hilaadiyay ₹15 lakhs ($182,000), ayuu ku bixiyay dhismaha,” ayay tiri afadiisa. “Laakiin faqriga iyo xoola-yaridu nagama horjoogsaneyno inaan ka dhabeyno doonisteenna ah inaan dhisanno guri sida markabka Titanic oo kale ah.”

52 jirkan ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu dusha sare ee guriga uu ka furo maqaaxi iyo meelo kale oo fadhiisi leh si uu lacag uga sameeyo. Wuxuuna sidoo kale rajaynayaa in mashruuciisu noqdo mid dalxiis ahaan uu lacag uga sameeyo maalin maalmaha kamid ah.

Aad bay qoyskan u farxaan marwalba oo dalxiis iyo siyaalo kale loogu yimaado si loo arko dhismaha gurigooda qabyada ah, waxayna ku faanayaan inay wadajir uga dhabeeyeen riyo maalin un ku dhalatay aabbaha qoyska.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!