MUQDISHO (HN) — Maalintii ugu dambeysay bisha Soonqaad, Umar Raza oo taskiile ah wuxuu kusii jeeday afurka markii farriin caawimo lagu weydiisanayo ay uga timid hooyo rabtay in inankeeda loo gaarsiiyo dhambaal degdeg ah.
“Duni aad wax walba kala kulmi karto, ku falceli naxariis,” ayay tiri.
Maadama uu dareensanaa inaysan hooyadani iskiis isku caawin karin wuxuu go’aansaday inuu gacan u fidiyo. In yar haddib hooyadan ayaa dhambaal mahadcelin ah oo la xiriirta kaalmaynta uu siiyay Umar Raza la wadaagtay xubnaha bulshada deegaanka.
Umar wuxuu taskiile yahay saddex bilood, shaqadiisuna ma ahayn inuu farriimo qoran u kala qaado, balse hooyadan oo u baahneyd in wiilkeeda degdeg loo gaarsiiyo baahideeda darteed ayuu u caawiyay.
Islaamka wuxuu meel sare dhigay kaalmeynta waayeellada iyo dadka da’da ah. Wuxuuna Suubanah NNKH yiri; nagama mid ma ahan midka aan waayeelkeenna u dulqaadan, una naxariisan keenna yar.”
You must log in to post a comment.