MUQDISHO (HN) — Saxaafadda Shiinaha ayaa tebinaysa sheekada wiil 11 jir ah oo safar 130 km baaskiil uga soo baxay magaaladii uu joogay muddo 24 saacadood ah si uu ugu yimaado ayeeyadiis oo degan degaan kale.
Wiilkan oo ku nool Hangzhou, gobalka Zhejiang wuxuu kusoo dhacay baaskiilkiisa si uu u yimaado guriga abootadiisa kaddib markii ay hooyadiis aad u canaanatay. Markii ay canaananaysay ayuu u sheegay inuu bixi karo, laakiin weligeed ma rumeysan, maadaama ay abootadiis ku nooshahay meel u jirta 140km. Waxaa muuqata in hooyadu dhayalsatay go’aanka inankeeda. Isaguna wuxuu ku adkeystay inuu ka dhabeeyo go’aankiisaas. Wuxuuna waddooyin ciriiri iyo mugdi meel qaar ka ah kusoo socday muddo 22 saacadood oo xiriir ah.
Wuxuu keliya socodkiisa joojiyay markii ay luguhiisu ay qaadi kari waayeen, waana goor uu usoo dhawaaday guriga abootadiisa.
Dad lugmaal ah oo dareemay safarkiisa ayaa ku wargeliyay laamaha booliska. Wuxuuna inankan booliska kaga tagay la-yaab ay aamini waayeen markii uu uga warramay xaalkiisa iyo sida joogtada ah oo uu safar aan kala harsi lahayn ugu soo socday fogaan dhan 130 km. Si kastaba, booliska ayaa intii uga dhimaneyd safarkiisa ka xilqaaday. Waxayna ku qaadeen gaarigooda.
Waxaa xusid mudan inuu safarkaas dheer usoo qaatay sahay isugu jirta hal rooti ah iyo qajacle biyo ah.
You must log in to post a comment.