crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xiddiga Ghana oo Danyar Muslimiin ah gaarsiinaya kaalmo! | HimiloNetwork

Xiddiga Ghana oo Danyar Muslimiin ah gaarsiinaya kaalmo!

MUQDISHO (HN) — Xiddiga xulka Ghana iyo kooxda Nottingham Forest, Andre Ayew ayaa danyar gaaraysa 200 wuxuu u qeybiyay badar ay uga baxaan bisha Soonqaad.

Xiddiga xulka lagu naaneyso Black Stars waxaa deeqdan uu soo dhiibay loogu qeybiyay Jubilee Park, sida ay kusoo warrantay Ghana Web.

Imaam Afa Hudu, oo madasha ku sugnaa ayaa ka hadlay muhiimadda wax bixinta inta lagu jiro bisha Ramadaan, waxaana uu intaas kaddib duco u mariyay laacibka iyo reerkiisa.

Cayaaryahan Ayew oo ah nin diintiisa ku dhaqma, wuxuu bilowgii bishan Ramadan farriin caalami ah la wadaagay Muslimiinta adduunka.

Wuxuuna hambalyo iyo bogaadinba dunida u mariyay dhammaan inta nasiibka u yeelatay inay sannadkan soo gaaraan gudashada acmaasha soonka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!